4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Kulan dalka Netherlands ku dhexmaray Wafdi ka socday Maamulka Gobolka Galgduud iyo Jaaliyadda Gobolkaas (SAWIRRO)


Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Magaalada Amsterdam ee Holland ayaa waxaa shalay shir saacado badan qaatay ku yeeshay qaar ka mid ah jaaliyadda kasoo jeedda gobolka Galguduud ee ku dhaqan dalkaas iyo wafdi ka socday gobolka Galguduud, kuwaasoo hogaaminayay, Abuukar Daahir Maxamed oo ka qaybgalay shirkii Brussels ahaana wakiilka guddoomiyaha gobolka Galguduud, Xuseen Cali Weheliye (Cirfo).

Shirkan oo ka dhacay hoolka shirarka xarunta SOMVOA ee Amsterdam ayaa  waxaa ugu horreyn warbixin looga dhageystay Cabdullaahi Max’uud Jimcaale (Timcadde) oo ka mid ah xubnaha jaaliyadda gobolka Galguduud ee Holland isagoo warbixin ka siiyay wafdiga xaaladda jaaliyadda iyo wada-shaqeyn ay jaaliyaddu la lahayd gobolka sanadihii ugu dambeeyay, wuxuuna xusay inay jaaliyadda mar walba la socotay xaaladda dhinaca bulshadda gobolka, ayna ka fulisay mashaariic kooban gobolka, sida dhisme iskuul, ceelal la qoday & taageero la gaarsiiyay shacabka ku dhibaateysan Gobolka xilligii ay abaarta xuni taabatay Gobollada Soomaaliya.

Xubnihii shirka ka soo qaybgalay oo aragti ahaan ka mideysnaa in ay qayb libaax ka qaataan howlaha lagu dar-dargelinayo adeegyada bulshadda, ayaa si qoto-dheer oo aan turxaan lahayn uga dooday sida qurba-joogta gobolka meel kasta oo ay dunidda ka joogaan ay kaga qayb-qaadan lahaayeen sidii lagu samabixin lahaa gobolka.

Faysal Cameey oo ka mid ahaa akhyaartii kulanka ka hadashay wuxuu soo jeediyay in si waxqabad la taaban karo salka loogu dhigo in la baadi-goobo qurba-joogta dalka Holland ku dhaqan, gobol kasta oo Holland ahna dad gaar ah loo diro, dadkaasoo isku soo duba-ridaan sidii qof kasta looga qaadi lahaa khidmo di loogu dhiso gobolka Galguduud, taasoo aan loo eegayn beel balse loo eegayo qaab goboleed.

“Gobolka dib u dhiskiisa iyo horumarintiisa waxaa ku filan dhaqaalaha ay iska ururiyaan qurba-joogta gobolka. Jaaliyadda waxaan u soo jeedinayaa in ay dadaalkooda labo jibaaraan, kana shaqeeyaan sidii ay howshooda uga mira-dhalin lahaayeen," ayuu yiri Faysal Gacameey.

Sidoo kale, wax aka hadlay Cali Istiila oo guddiga Himilo ka mid ah, ahna aqoon-yahan ku xeel-dheer maamulka iyo maareynta ayaa sharraxay sida looga faa’iideysan karo waaya-aragnimadii dadku soo maray sanadihii ugu dambeeyay, laguna baraarugo marxaladda dalka ku sugan yahay.

"Markii ay ka burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dalku wuxuu ku liibaanay waxay ku liibaantay qurba-joogta, inkastoo dadka gobolka Galguduud tartanka dib u dhiska magaalooyinka ay kaalimaha hoose kaga jireen hadda weli waxaan haysanaa waqti aan kheyrkeen kula tartami karno, kagana dheereyn karno gobol ahaan," ayuu yiri Cali Istiila, oo ka digay in qurba-joogta in aanay niyad-jabin, wuxuuna tilmaamay in gobolka ay wada-dagaan beelo Soomaaliyeed, ayna tahay in Gobol ahaan la isku abaabulo, loogana qeybqaato badbaadinta gobolka,” ayuu yiri Cali Istiila.

Wakiilka guddoomiyaha gobolka Galguduud, Abuukar Daahir oo isna hadal ka jeediyay kulanka ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna si guud uga warbixiyey natiijadii kasoo baxday shirkii Brussels iyo waxtarka gobolku shirkaasi u leeyahay, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in taageerada beesha caalamka ay wax weyn ka tari karto soo kabashada Soomaaliya iyo in dowladda Soomaaliya iyadoo aan cidna ku tiirsanayn ay si toos ah ula macaamili karto beesha caalamka.

"Ujeedka socdaalkeennu wuxuu ahaa ka qaybgalka shirka (New deal) ee lagu qabtay dalka Belgium, shirkaasoo ay ka qaybgaleen madaxda kala duwan ee gobollad dalka iyo wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Abuukar wuxuu ka hadlay in meel wanaagsan la marsiinayo qorshaha la xiriira dowlad goboleed ay ku mideysan yihiin beelaha Soomaaliyeed ee wada-daga gobolada dhexe in la smaeeyo, dhinacyada maamulkaasi ku midoobayana ay noqdaan maamullada ka jira gobollada Galguduud iyo Mudug.

"Waxaa jira qorshe meel fiican maraya, kuna saabsan in beelaha gobolada dhexe dega ay sameystaan maamul wadajir ah, wadahadalladaasu meel wanaagsan ayay inoo marayaan (Roap-map) qabyo ah ayaa socda, waxaana lagu ballamay in Cadaado la tago, loogana wada dhawaaqo in maamul mid ah oo ay leeyihiin beelaha gobolada dhexe la sameeyo, kadibna la isugu tago magaalada Dhuusa-mareeb wixii dhexdooda ah oo khilaafkaad ahna halkaas lagu dhameeyo,“ ayuy Abuukar hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Galguduud, Xuseen Cali Weheliye Cirfo oo khadka taleefoonka uga qaybgalay kulanka ayaa jaaliyadda la hadlay isagoo u jeediyay warbixin guud, dardaaran, tallo iyo codsi intaba, waxaana ugu horreyn waxyaabaha uu ka shanqariyay ka mid ahaa in markii la magacaabay isaga ay ku qaadatay in wax kasta ay meel eber ah kasoo billaabaan, sababtuna ay tahay gobolka oo ahaa gobol ay colaado badan ku raageen, illihii dhaqaaluhuna ay dhulka galeen.

"Waxaan tagay gobolka 25-kii bisha Ogoosto, gobolkan wuxuu soo maray marxalado adag oo in laga soo kabto ay waqti badan u baahan tahay, dadkii la rabay in ay deegaanadooda ay dhistaan waxay kala aadeen qurbaha iyo Muqdisho, gobol kastana waxaa dhisa dadkiisa, dadkii gobolkanna way kala tageen, hadafkeennu hadda wuxuu yahay inaan dadka ku niraa - qof kasta sida uu ILLAAHEY u caabudayo isaga ayaa yaqaane, annagu dad muslim ah oo qaraabo ah ayaanu nahaye waxaa waajib innagu ah inaan ku heshiinno in wixii khilaafaad ah aanan xabbad ku xallin ee aan aan wadahadal ku xalino," ayuu yiri Cirfo.

Isagoo hadalka sii wata ayuu Cirfo mar kale yiri: “Waxaan soo kormeernay Guriceel, Dhuusamareeb, Balanbale iyo tuulooyinka ku teedsan, dhammaan deegaanadaasi waxay u ooman yihiin sidii ay u heli lahaayeen adeegyada aasaasiga u ah bulshadda, sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyo nadiif ah, 95% waa is raacsan yihiin bulshadda gobolka, annaguna si yar oo aan xanaf laheyn ayaan u wajahnay howlihii adkaa ee na hor yiillay, culumadii ahlu-sunna aad iyo aad ayaan isku fahansan nahay, inkastoo waxyaabo yar-yar oo khilaafaad ah ay jiraan haddana waxaan rajeynayaa in xal laga gaaro, si saraaxadi ku dheehan tahayna loo wadahadlo, iyadoo mar walba maskaxda lagu haynayo in qoriga inta meel la iska dhigo la wadahadlo."

Ugu dambeyn, Cabdikariin Xoogsade oo shirka xiriirinayay ayaa shirka soo xiray isagoo ballan qaaday in guddiga loo diri doono jaaliyadda Galguduud ee ku kala sugan dalalka Holland, Biljamka iyo Jarmalka kadibna ay soo diri doonaan wixii ay kala kulman.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya