4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Danjire Ameeriko oo Sheegay in Soomaalida ku nool Xaafada Islii ee Nairobi uusan saameyn ku yeelan doonin Weerarkii Westgate

Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa sheegay maanta in dhacdadii dhawaan ka dhacday rugta ganacsiga Westagate Mall ee magaalada Nairobi oo ay mas’uuliyaddeeda sheegatay Al-shabaab, aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Sidoo kale, danjiraha ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka war hayso inay dhacdadani tahay mid ay ka dambeeyaan kooxo argagaxiso ah oo aysan ahayn mid ay lug leeyihin Soomaalida dalkaas ku nool.

“Dadka Soomaalyeed ee ku nool Nairobi way u gurmadeen dadkii dhaawucu kasoo gaaray dhibaatadaas, waxayna ku tabaruceen dhiggooda iyo raashin ay ugu talogaleen inay dadkii dhibaatadu soo gaartay,” ayuu danjiruhu ku sheegay war uu siiyay warbaahinta Soomaalida.

Safiirka ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in markii ay dhibaatadani dhacday uu u tagay madaxweynaha dalka Kenya, Uhura Kenyata uuna dhibaatadii ka dhacday halkaas uga tacsiyeeyay, isagoo sheegay in madaxweynuhu uu u sheegay in argagaxisadu ay dhibaato ku hayaan Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka ku yaalla Geeska Afrika.

Weerarkaas oo ay ku dhinteen in badan 69-qof ayaa waxaa ku jiray wiil u dhashay dalka Soomaaliya oo halkaas ku sugnaa, waxaana sidoo kale ay dhaawacyo kasoo gaareen in ka badan 172-qof, inkastoo aan la sheegin qof Soomaali ah oo ku jira.

Dhanka kale, madaxda Soomaalida ayaa iyaguna tacsi u diray shacabka iyo xukuumadda dalka Kenya, iyagoo uga tacsiyeeyay dhibaatadii ku dhacday dadka reer Kenya, waxayna ku tilmaameen falkaas mid argagaxiso oo aad looga xumaado.

Al-shabaab oo mas’uuliyadda weerarkaas sheegatay ayaa sheegtay inuu ahaa mid ay ugu aargudayeen dadkii Soomaaliyeed ee ay ciidamada Kenya ku laayeen gudaha Soomaaliya tan iyo markii ay soo galeen sannadkii 2011, inkastoo ciidamada Kenya ay ku biireen goor dambe howlgalka AMISOM ee Midowga Afrika .

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya