4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Dagaalka ka socda Dhismaha Westgate Mall oo Maalintii Afaraad iyo Ururka Al-shabaab oo Sheegtay inay wali gudaha ugu jiraan
Som 3.jpg
Talaado, September 24, 2013(HOL) - Inkastoo dawlada Kenya ay shalay shaacisay inay la wareegeen ciidankoodu dhammaanba dabaqada uu ka koobanyahay dhismaha xarunta ganacsiga ee Wetsgate ayaa la maqlayaa dhaawaqa rasaasta la is waydaarsanayo oo si teel teel ah u dhacaysa maalintii Afraad.

Shalay ayaa weerarkii ugu xoogga badna ay qaadeen ciidamada dawlada Kenya oo gacan ka helaya xoogaga wadamada ay saaxiibka yihiin, balse wariyaha BBC-da oo ku sugan bannaanka hore ee gurigaas ayaa sheegay inuu wali maqlayo dhawaqa rasaasta la is waydaarsanayo.

Ciidamada Kenya shalay oo Isniin ahayd waxay shaaciyeen in gabi ahaanba maxaabiistii halkaas ku jirtay ay soo badbaadiyeen, balse kooxda Alshabaab oo maanta oo Talaada ah markale furatay bog cusub oo Twitter ah ayaa sheegtay inay wali haystaan dadkii ay ku afduubteen gudaha dhismahaas.

"Dhimashada 60 waa ka badantahay, maydku wuxuu dhex daadsanyahay gudaha xaruntaas oo ay gacanta ku hayaan mujaahidiintu" ayaa lagu yiri bogga Twitterka ee Alshabaab.

"Dhamaanba way noolyihiin dadkii aan haysanay" ayaa lasii raaciyay.

Ciidamada Kenya ayaa ugu jawaabay Alshabaab isla barta Twitterka, iyagoo ka dalbaday dadweynaha inay iska dhaga tiraan barabugaandada cadowga faafinayo.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Kenya iyo kooxda ka tirsan Alshabaab ee qabsatay xarunta ganacsiga ee Westgate ayaa wali u muuqda inaan la soo afjarin iyadoo haatan dagaalkoodu uu ka socdo dhinaca warbaahinta.

Waxaana muuqata in kooxda argagixisada ah ee weerarkan qaaday ay muddo dheer qorshaynaysay, taasoo ka muuqata qaabka ay ugu babac dhigeen ciidamada kala duwan ee Kenya oo gacan ka helaya ciidamo gaar ah oo ka kala socda wadamada Israel, Britain iyo Maraykanka.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya