4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo safar caafimaad oo uu dibadda ugu maqnaa kaddib dib ugu laabtay Hargeysa (SAWIRRO)


Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal caafimaad iyo fasax iskugu jira oo uu ku tagay Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay ka hortageen Raxan wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda, xilddhibaano iyo madax dhaqameedka ayaa qolka nasashadda ugu waramay warbaahinta, waxaanu sheegay in socdaalkiisu ahaa mid u gaar ah oo hawlo caafimaad uga maqnaa dalka, haseyeeshee intii uu halkaasi joogay uu la kulmay madax badan oo ka tirsan dalalka Aduunka.

“Waxaan u baxay safar shakhsi oo gaar ii ah , waanan la kulmay jaaliyadii Somaliland ee dalka imaaraadka carabta, kuwaas oo ahaa dad wada shaqaynaya oo dalka iyo dadkaba u wada shaqaynaya mudadii aan joogayna si fiican ayey ii soo dhaweeyeen, waanan uga mahad celinayaa jaaliyada Somaliland”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Saylici oo safarkiisa ka hadlaya.

Madaxweyne ku xigeenka oo warbaahintu waydiisay in safarkiisana ahaa mid cadho ah oo uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweynaha, waxa uu kaga jawaabay  “wax cadho la yidhaa iyo wax dhibaato ahi ma jiraan safar shakhsi oo mid caafimaad igu hoos laabnaa ayuu haa safarkaas aan ku tagay dalka imaaraadka carabta, wixii aan anigu qaranka ugu igmanahay waan qabtaa hawlahana dhankayga waan hayaa, kolayse madaxweynaha ayaa u igman hawsha inta badan sida uu qorayo distoorkeenu.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sheegay inuu la kulmay mudadii uu joogay Imaaaradka madax badan,kaas oo uu xusay inuu ka dhaadhiciyey qadiyadda Somaliland iyo horumarka ay gaadhay.

Madaxweyne ku xigeenku ma sheegin meesha xanuunaysa ee laga dawaynayey, balse waxa uu ku soo koobay inuu hawlo caafimaad iyo hawlo u gaar ah u tagay dalka Imaaraadka Carabta.






Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland