4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo xalay ku yeeshay Muqdisho shir aan caadi ahayn oo ay uga hadleen Weerarka Kenya (SAWIRRO)


Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya oo xaaly shir aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin falalka argagixisonimo ee ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan oo uu shir-gudoomiyay ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka kheyraadka dalka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa markii uu dhamaaday waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Faqi oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay cambaareynayso cid walba oo falkaas geysatay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in go’aannada ay ka mid ahaayeen inay u direen tacsi guud shacabka Kenya, gaar ahaan dadkii ay weerarkaas ehelladooda kasoo gaartay waxyeelladu.

Qodobadii kasoo baxay shirka ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa in wafdi uu hogaaminayo wasiirka difaaca Soomaaliya loo diro dalka Kenya si loo muujiyo in Soomaaliya ay xanuunaka la qaybsanayso walaalahooda Kenya.

Wasiirka gaashaan-dhigga ayaa wuxuu kala hadli doona madaxda Kenya sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka argagixisada iyo sidii amniga labada dal loo xoojin lahaa, hal aragtina looga qaadan lahaa kooxda Al-shabaab.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya