4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Ciidamada Amniga Kenya oo sheegay inay Toogteen lix ka mid ah xoogaggii Gacanta ku hayay Dhismaha WESTGATE MALL

Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka Kenya ayaa sheegay inay toogasho ku dileen lix ka mid ah kooxda hubeysan ee afar maalmood ka hor la wareegtay dhismaha ganacsi ee Westgate Mall.

Saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa sheegay in ciidamadooda ay gaareen guud ahaan dhismaha ay xaruntan ganacsi ka kooban tahay, iyagoo intaas ku daray in meelaha qaarkood ay weli ku dhuumanayaan qaar dabeleydii weerarka geysatey ka mid ah.

Sidoo kale, saraakiisha ciidamada ammaanku waxay sheegeen inay kaga dhaawacmeen 10 askari oo ciidamadooda ka tirsan, balse aysan jirin wax dhimasho oo illaa iminka kasoo gaartay weerarka ay ku qaadeen Westgate Mall.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa war-fidiyeenka ugu sheegay Nairobi in ciidamada dowladda ay sugeen ammaanka westgate ayna ku raad-joogaan kooxdii weerarka ku qaada xauntaas ee saddexdii casho ee lasoo dhaafay haystay.

Ole Lenku ayaa sidoo kale shalay sheegay in ciidamada Kenya ay toogasho ku dileen laba ka mid ah kooxdii goobtaas gacanta ku haysay, inkastoo aysan jirin warar ka madaxbannaa kuwa dowladda Kenya oo lagu ogaaday in xoogagga hubeysan laga dilay illaa shalay markii weerarka lagu qaaday xaruntaas siddeed ruux.

Saaka ayaa waxaa laga maqlayaa dhismaha Westgate Mall rasaas culus oo ka dhacaysa, iyadoo qaybo ka mid ah dhismaha ay ku sugan yihiin kooxo wariyeyaal ah oo doonaya inay soo tabiyaan isbedellada xaaladda xaruntan.

Gaadiidka dagaalka oo ay ka mid yihiin beebayaasha iyo sidoo kale kuwa ay ku xiran yihiin qoryaha meelaha fog wax ka toogta ayaa ku hareereysan dhismaha xarunta Westgate, iyadoo maanta ay noqonayso maalintii afaraad oo ay kooxaha hubeysan ku sugan yihiin gudaha xaruntaas.

Howlgalka lagu doonayo in looga sifeeyo dhismahaas kooxda qabsatay ayaa waxaa qayb ka qaadanaya ciidammo caalami ah oo la sheegay inay ka yimaadeen dalalka Mareykanka iyo Israa’iil.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya