3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2013
Faahfaahinta wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka lagula jiro kooxaha qabsaday xarunta ganacsiga ee Westgate

Isniin, September 23, 2013 (HOL) - Saacado kadib markii ay gudiga sare ee amniga qaranka ee Kenya ay shaaciyeen inay la wareegeen xarunta ganacsiga ee Westgate ayaa muuqaallada halkaasi ka imaanaya ay muujinayaan in dagaalkii uusan wali dhammaanin.

Kooxaha goobtaas ku jira oo lagu sheegay inay yihiin toban qof oo si wanaagsan u hubaysan ayaa maanta sameeyay iska caabintii ugu badnayd iyadoo xalay ilaa maanta ciidamada Kenya oo taageero ka helaya ciidamo iyo khuburo ka socda wadamada caalamka ay isku dayayeen inay soo afjaraan weerarkii masiibada ahaa ee lagu qaaday xarunta Westgate.

Waxaana maanta gudiga amniga qaranka Kenya oo uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Joseph Olelenko uu sheegay in ciidamada Kenya ay nadiifiyeen dhammaanba dabakhyada uu ka koobanyahay dhismaha guriga Westigate ayna dileen labo kamid ah dagaalyahannada halkaas ku jiray, isagoo intaa raaciyay inay soo badbaadiyeen intii badnayd maxaabiistii lagu haystay dhismahaas.

Balse wararkii ugu dambeeyay ee ay Hiiraan Online ka heshay goobta uu ka socdo hawlgalka ayaa sheegaya in wali la maqlayo xabadaha la is waydaarsanayo, lana arki karo gawaarida ambalaasta ah oo soo guraysa dad dhaawac ah.

Ciidamada Kenya ayaa maantay sheegay in 3 kamid ah askartooda oo hawlgalka ku dhaawacmay in la dhigay isbitaalka.

Dadka ku dhow dhismaha Westgate ayaa sheegaya inay maqleen ku dhawaad labaatan qarax oo is xigxigay taasoo keentay holac iyo qiiq inuu ka baxo dhismahaas oo laga baqayo in qaybo badan oo kamid ah ay gubteen taasoo halis galin karta dadka afduubka loo haysto oo aan la ogayn inta tiradoodu ay le'egtahay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Olelenko ayaa cadeeyay in waddada kaliya ee ay kula tacaalayaan arrinka maxaabiista la haysto ay tahay in awood loo isticmaalo soo dayntooda.

"Ma jiro wadahadal lala galayo argagixisada, weerarkana waxaan ugu gayn doonaa irrida guryahooda" ayuu yiri wasiirku arrimaha gudaha.

Alshabaab oo sheegatay weerarkan ayaa shaacisay magacyada rag ay ku sheegtay inay yihiin kuwa ka dagaallamaya goobtaas.

1. Axmed Maxamed Ciise oo 22-jir ah
2. C/fitaax Cismaan Keynadiid oo 24-jir ah
3. Mustafe Nuuradiin oo 27- jir ah
4. Qaasim Siciid oo 22-jir ah
5. Axmed Naasir Shirdoon oo 24-jir ah
6. Zaki Jaamac Carraale oo 20-jir ah
7. Ismaaciil Guuleed oo 23-jir ah
8. Siciid Nuux oo 25-jir ah
9. C/risaaq Mowliid oo 24-jir ah


Dadweynaha Kenya oo si wayn uga argagaxay weerarkii naxariis darrada ahaa ee lagu qaaday Westgate, ayaa warbaahinta dhagta ku haya iyadoo dad badan oo eheladooda gudaha lagu haysto ay dhoobanyihiin Westgate meel masaafo yar u jirta xilli boolisku ay diideen in loo soo dhawaado goobaha ay hawlgalladu ka socdaan.

Gudoomiyaha ururka laanqayrta cas ee dalka Kenya Cabbaas guuleed oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in imminka dhimashadu ay gaartay 68 halka dhaawacuna uu marayo 175.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya













Click here
9/23/2013 11:12 AM EST
Isniin, September 23, 2013 (HOL) — Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay maanta ku sheegay in lala macaamili karo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed lala macaamili karo.

9/23/2013 8:25 AM EST
Isniin, September 23, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa xalay lagu dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kaasoo markii la dilay lagu riday ceel ku yaalla xaafadda isha ee magaalada Baydhabo.

9/23/2013 8:16 AM EST
Isniin, September 23, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo xalay gaaray magaalada Geneve ee dalka Switzerland, halkaasoo uu berri ka furmayo shirka golaha xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay.

9/23/2013 8:00 AM EST
Isniin, September 23, 2013 (HOL) —Al-shabaab ayaa soo bandhigtay qaar ka mid ah magacyada xoogaggii weeraray xarunta ganacsiga WESTGATE ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka.

9/23/2013 7:50 AM EST
Xarunta Ganacsiga ee Westgate ayaa gubanaysa kadib markii halkaas ay ka dhaceen wax ku dhow toboneeyo qarax oo is xigxiga sida ay ku soo warramayaan dadka agdhow deegaankaas.

9/23/2013 6:56 AM EST
Isniin, September 23, 2013 (HOL) — iskahorimaad u dhexeeya ciidamada Kenya iyo ciidammo ajnabi ah oo caawinaya iyo xoogagga gacanta ku haya dhismaha ganacsi ee WESTGATE ayaa goor-dhow halkaa ka qarxay, iyadoo qaraxyo waaweyn laga maqlayo gudaha xaruntaas.

9/23/2013 6:29 AM EST
Isniin, Sebtember 23, 2013 (HOL)- Ciidamada badda ee Puntland ayaa howgal ay dhowrkii beri ee ugu dambeeyey ka wadeen magaalada Boosaaso, waxay kusoo qab-qabteen qaar kamida dadka tahriibta ka shaqeeya.

9/23/2013 4:42 AM EST
Isniin, Sebtember 23, 2013 (HOL) War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa si xooggan loogu cambaareeyey weerarkii ay dadka badni ku dhinteen ee ka dhacay suuqa Westgate, ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

9/23/2013 3:50 AM EST
Isniin, September 23, 2013 (HOL) — Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo la hadlayay warbaahinta afka Al-shabaab ku hadasha ayaa ka digay in ciidamada Kenya iyo kuwa ajnabiga ah inay xoog ku muquuniyaan xoogaggooda ku jira xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi.

9/23/2013 3:33 AM EST
Isniin, September 23, 2013 (HOL) — Ciidamada Kenya iyo kuwo ka socda dalka Israa’iil ayaa waxaa la sheegay inay isku diyaarinayaan sidii ay weerar ugu qaadi lahaayeen dhismaha ganacsiga ee Westgate, halkaasoo maalintii saddexaad ay haystaan kooxo hubeysan oo ka tisran Al-shabaab.

9/23/2013 3:18 AM EST
Isniin, Sebtember 23, 2013 (HOL)- Doon ganacsi oo u rarneyd ganacsato reer Puntland ah, kuna soo jeeddey dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa ku degtey biyaha u dhexeeya dalalka Imaaraadka Carabta iyo Cummaan.

9/23/2013 3:18 AM EST
Isniin, September 23, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan kula yeeshay magaalada Columbus, Ohio qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, inkastoo ay jireen dad badan oo ka yimid gobollo fog-fog oo ay u suuro-geli wayday inay la kulmaan madaxweynaha Soomaaliya.

9/23/2013 3:11 AM EST
Isniin, September 23, 2013(HOL) :- Bambaanooyin nooca gacanta laga tuuro ayaa xalay saqdii dhexe lagu weeraray guri uu daganaa taliyaha saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo Max’ed Cabdi Buulle Sugoow.