4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2013
Wasaarada Ganacsiga & Warshadaha Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Rugta Ganacsiga ay tahay mid la Aqoonsan yahay

Isniin, September 23, 2013 (HOL) — Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay maanta ku sheegay in lala macaamili karo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed lala macaamili karo.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ay ku qanacsan tahay wasaaradda, isla markaana ay tahay mida sida rasmiga ah u mataleysa ganacsatada Soomaaliyeed.

Qoraalkan kasoo baxay wasaaradda ganacsiga maanta oo taariikhdu ay ku began tahya 23-ka September 2013 oo nuqul ka mid ah u soo gaaray HOL ayaa wuxuu u noqnaa sidan:

Kaddib markii ay wasaaradda ganacsiga dib u eegtay hab-sharciyeedka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo dhismaheeda guudba, waxay wasaaradda ganacsigu garwaaqsatay kuna qanacsan tahay in Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ay tahay midda sida rasmiga ah u matalaysa ganacsatada Soomaaliyeed.

Waxaan la socodsiinaynaa guud ahaan caalamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed in Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed lagula macaamilo maqaamka ay leedahay.

Wasaaradda Ganacsiga waxay soo magacaabi doontaa, wakiilka wasaaradda ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, wasaaradda ganacsigu waxay u aragtaa guddoomiyaha la doortay ee Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir inuu ansax yahay, waxayna wasaaraddu faraysaa in dhismaha qaybaha dhimman ee Rugta ganacsiga Gobolka Banaadir si kalsooni iyo wadajir leh loosoo dhamaystiro.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed waxay kawada shaqeynayaan sidii loo sameyn lahaa, loona hirgelin lahaa xeerar la jaan-qaadi kara nidaamka ganacsiga ee suuqa xorta ah.

Ugu dambeyn, wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed waxay aaminsan  tahay in horumarka waddanku ku xiran yahay ganacsi xor ah oo nidaam leh.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya