4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2013
Askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia oo xalay lagu dilay Magaalada Baydhabo; iyadoo Qorigiisiinna laga qaatay

Isniin, September 23, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa xalay lagu dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kaasoo markii la dilay lagu riday ceel ku yaalla xaafadda isha ee magaalada Baydhabo.

Askarigan waxaa laga qaatay qori uu watay oo noociisu ahaa AK-47, lamana oga cidda dishay iyadoo laga soo saaray ceelkii ay ku rideen kooxihii dilkiisa geystay.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa maalimihii dambe ay xaaladdeedu ahayd mid aad u xun, gaar ahaan xilliyada habeenkii ah oo lagu arkayo dabley hubeysan, iyadoo aan la kala garanayn inay yihiin ciidan ka shaqeynaya ammaanka iyo inay yihiin kooxo hubeysan.

Ammaan-darradan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo ergooyin ay kusoo qulqulayaan magaalada si ay uga qaybqaataan shirka la doonayo in maamul loogu sameynayo gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Hiiraan Online, Baydhabo