4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2013
Al-shabaab oo Shaacisay Magacyada Qaar ka mid ah Xoogagga Gaacnta ku haya Xarunta Ganacsiga WESTGATE ee Nairobi

Isniin, September 23, 2013 (HOL) —Al-shabaab ayaa soo bandhigtay qaar ka mid ah magacyada xoogaggii weeraray xarunta ganacsiga WESTGATE ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka.

Magacyada ay Al-shabaab soo bandhigtay ayaa waxay kala yihiin:

1. Axmed Maxamed Ciise oo 22-jir ah
2. C/fitaax Cismaan Keynadiid oo 24-jir ah
3. Mustafe Nuuradiin oo 27- jir ah
4. Qaasim Siciid oo 22-jir ah
5. Axmed Naasir Shirdoon oo 24-jir ah
6. Zaki Jaamac Carraale oo 20-jir ah
7. Ismaaciil Guuleed oo 23-jir ah
8. Siciid Nuux oo 25-jir ah
9. C/risaaq Mowliid oo 24-jir ah

Dhammaan dadkan ayaa waxaa la sheegay inay ka kala yimaadeen Yurub, Mareykanka, gudaha Kenya iyo Soomaaliya sida Kismaayo iyo Hargeysa, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo Al-shabaab soo bandhigto magacyadan.

Wargeysyada kasoo baxa dalka Britain qaarkood ayaa iyaguna qoray in ruux haweeney oo u dhalatay dalka Britain ay kooxdaas hoggaaminayso, taasoo ka mid ah xubnaha Al-qaacida muddo dheerna deggenayd magaalada Nairobi.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay ciidamada Al-shabaab oo lagu magacaabo Abuu-Cumar ayaa u sheegay warbaahinta caalamka in dhammaan dadka howlgalka fulinaya ay yihiin Soomaali oo aysan jirin cid shisheeye ah oo ku jirta.

Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in xoogaggooda ku sugan Westgate ay xirir joogto ah leeyihiin, ayna amar ku siiyeen inaysan wax wada-xaajood ah la gelin dowladda Kenya, oo howlgalkooda ay dhameystiraan.

Abuu-Cumar wuxuu sheegay in xoogaggan ku sugan gudaha xaruntaas ay u sheegeen in dhowr jeer ay dowladda Kenya ka codsatay inay wada-xaajood la furto, balse ay ka diideen, isagoo sheegay in ay dhimanayaan iyago dagaal ku jira.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya