4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2013
Howlgallo ka billowday Dhismaha WESTGATE iyo Qaraxyo waaweyn oo laga Maqlay Xarunta oo Maalintii Saddexaad la haysto


Isniin, September 23, 2013 (HOL) — iskahorimaad u dhexeeya ciidamada Kenya iyo ciidammo ajnabi ah oo caawinaya iyo kooxda gacanta ku haysa dhismaha ganacsi ee WESTGATE ayaa goor dhow halkaas ka qarxay, iyadoo qaraxyo waaweyn laga maqlayo gudaha xaruntaas.

Inkastoo aan la caddeyn karin qaraxyadu waxay yihiin, haddana dusha sare ee dhismaha ayaa waxaa ka baxaya qiiq madow, iyadoo ciidamada Kenya ay yaacayaan goobaha ku dhow xaruntaas.

Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay weerareen xarunta ayna doonayaan inay maanta noqoto maalintii ugu dambeysay oo ay kooxda hubeysan halkaas ku sugnaadaan.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay afar ka tirsan askartii Kenya ee ku qaaday weerarka, iyadoo dagaalkan ay ka qayb qaadanayaan gaadiidka ay ku xiran yihiin qoryaha daran-doorriga u dhaca sida gaadiidka loo yaqaan beebaha.

Xoogagga hubeysan ee ku sugan gudaha xaruntaas oo la sheegay inay isugu jiraan Soomaali iyo Ajnabi, ayaa waxay halkaas la wareegeen Sabtidii lasoo dhaafay iyagoo illaa maanta gacanata ku haya, iyadoo kooxaha hubeysan ay ku haystaan gudaha xaruntaas dad aan tiradooda la ogeyn.

Al-shabaab ayaa sheegtay in haddii la isku dayo in xoog lagu muquuniyo xoogaggooda gacanta ku haya xaruntaas ay layn doonaan dhammaan dadka la-haysteyaasha ah ee ku jira halkaas.

Hay'adda laanqayrta cas ee dalka Kenya ayaa sheegtay in 69-qof ay ku dhinteen weerarka lagu qaaday Westgate ayna ku dhaawacmeen 172-qof, iyadoo dadka dhintay ay ku jireen dad u dhashay dalalka Mareyanka, Kanada, Israa'iil, Hindiya iyo kuwo kale.  

Telefishinnada dalka Kenya ayaa baahinaya in dagaalku uu socdo, iyadoo la arkayo gaadiidka dab-damiska oo ku socda dhismaha xarunta si ay isugu dayaan inay dabka ka kacay u damiyaan.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu xumaa ee ka dhaca Kenya, kaddib 1998 markaasoo kooxo taabacsan Al-qaacida ay weerareen safaaradda Mareykanka ee Nairobi, halkaasoo ay ku dhinteen boqolaal qof.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya