4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2013
SHEEKH CALI DHEERE: “Haddii la isku dayo in culeys la saaro kooxda haysta Westage waxay layn doonaan dadka ay haystaan”

Isniin, September 23, 2013 (HOL) — Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo la hadlayay warbaahinta afka Al-shabaab ku hadasha ayaa ka digay in ciidamada Kenya iyo kuwa ajnabiga ah inay xoog ku muquuniyaan xoogaggooda ku jira xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in haddii culeys la saaro xoogaggooda ku sugan maalintii saddexaad gudaha dhismaha Westgate ay imaan doonto inay layn doonaan dadka ay maxaabiis ahaanta u haystaan oo ay ku jiraan kuwo aad muhiim ugu ah dowladda Kenya sida uu sheegay.

“Haddii la isku dayo in culeys la saaro walaalaha gacanta ku haya Westgate waxaan u fasaxaynaa inay laayaan dadka ay gacanta ku hayaan oo qaarkood aad muhiim ugu ah xukuumadda Kenya,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo intaas ku daray inay ka digayaan weerar lagu qaado xaruntaas.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay inay mar walba la xiriirayaan kooxda ku sugan gudaha xarunta Westgate oo uusan tiradooda sheegin, isagoo ku sheegay shirka jaraa’id ee uu qabtay inay la socdaan in Kenya ay yimaadeen ciidammo Yuhuud ah oo doonaya inay weerarka ka qayb qaataan.

Maanta oo Isniin ah ayaa waxay gashay maalintii saddexaad oo xoogaggan hubeysan ay gacanta ku hayaan xarunta, inkastoo la sheegay inay hadda ku harsan yihiin oo keliya dabaqa ugu sarreeya dhismaha, halkaasoo ay rasaas kasoo ridayaan.

“Kenya waxay soo kireysatay ciidammo shisheeye ah oo ay ku jiraan kuwo u dhashay Israa’iil, taasna waxay caddeynaysaa awood yarida ciidamada dalka Kenya. Rajadeenuna waa inaan ka guuleysano ciidamadaas lasoo kireystay,” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Cali Dheere.

Dhanka kale, afhayeenka guud ee Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere wuxuu intaas raaciyey in shacabka Kenya looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan sidii ay nabad ku heli lahaayeen ayna xukuumaddooda ku qasbaan inay kala baxdo ciidamadeeda Soomaaliya.

“Shacabka Kenya waxaan u sheegayaan in nabadda Kenya ay ku xiran tahay nabadda Soomaaliya, haddii ay nabad doonayaan waa inay wiilashooda kala baxaan ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku sugan. Waxanna u sheegayaan inaysan ku kadsoomin hadalka madaxweynahooda oo ciidammo badan ay ilaaliyaan,” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Sheekh Cali dheere wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay isaga baxaan degmooyinka Kismaayo, Qooqaani, Dhoobley iyo Afmadow haddii la doonayo nabadda Kenya, haddii kale uu xaalku sidan iyo si ka xun uu ahaan doono.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya