4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2013
Bam Gacmeed lagu Weeraray guri uu daganaa taliyaha Saldhigga dhexe ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbada Hoose

Isniin, September 23, 2013(HOL) :- Bambaanooyin nooca gacanta laga tuuro ayaa xalay saqdii dhexe lagu weeraray guri uu daganaa taliyaha saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo Max’ed Cabdi Buulle Sugoow.

Weerarkan ayaa lagu qaadayguri uu daganaa taliyaha oo ku yaal xaafadda Farjanno, waxaana weerarka ka dib la maqlayay rasaas xooggan oo ay ridayeen ciidamadii ilaalada u ahaa taliyaha.

Taliyaha oo u waramay HOL ayaa sheegay in uu ka badbaaday weerarkii xalay, wuxuuna xusay in aysan jirin cid wax ku noqotay weerarkaasi.

“Xalay ayaa la igu soo weeraray gurigeeyga, bambaanooyin ayaa la igu soo tuuray, Ilaah cidna wax kuma yeelin, darbiga guriga ayay burburisay,” ayuu taliyuhu hadalkiisii raaciyay.

Taliyaha ayaa weerarkan ku eedeeyay xoogagga Al-shabaab, walow Xarakada Al-shabaab aysan ilaa imika sheegan masuuliyadda weerarkaasi.

Waa markii ugu horeeysay oo weerar lagu qaado guri uu daganyahay taliyaha saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo tan iyo intii loo magacaabay xilkaaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.