4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2013
Wasiirada Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay inaysan Ciidamada Kenya ka bixi doonin Soomaaliya

Axad, September 22, 2013 (HOL) — Wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in ciidamada Kenya aysan ka bixi doonin gudaha Soomaaliya, ayna qayb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Fowsiyo Yuusuf oo ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku sugan dalka Mareykanka ayaa u sheegtay VOA-da, ayaa sheegtay in weerarka ay Al-shabaab sheegteen ee ka dhacay Nairobi uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin gobolka Bariga Afrika.

“Ururka Al-shabaab waa dad duullaan ku ah nolosha bani’aadamka, waana cadow Geeska Afrika kusoo duulay, waxaana muhiimaddu ay tahay in laga adkaado, si dhibaatooyinka ay geysanayan ay meesha uga baxaan,” ayay tiri wasiirradda.

Sidoo kale, wasiiraddu waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya la wadaagi doonto dhibaatada shacabka iyo xukuumadda Kenya. Iyadoo xustay in laga guuleysan doono argagaxisada.

Wasiiraddu waxay gaashaanka ku dhufatay hadalka Al-Shabaab kasoo baxay oo ah in ciidamada Kenya ay ka baxaan Soomaaliya haddii ay dooonayaan in ay nabad ku noolaadaan. Iyadoo wasiirraddu sheegtay inay waajib tahay in dalalka gobolka iyo Midowga Afrika ay qorshe mideysan ka qaataan Al-shabaab iyo kooxaha argagaxisada ah.

"In qorshe mideysan laga qaato argagaxisada waa arrin waajib ah, waayo waa dad aanu qiimo ugu fadhin bani’aadamka oo xitaa dadka muslimka ah ayay laynayaan. Warkooda ku saabsan in nabadda Kenya ay ku xiran tahay in ciidamadooda ay Soomaaliya ka baxaan waa mid iska hadal ah, kamana baxayaan ciidamada Kenya gudaha Soomaaliya,” ayay wasiiraddu ku tiri wareysigeeda.

Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo ka howlgala gobollada ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay labadii sano ee lasoo dhaafay kula dagaalamayeen Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya