4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2013
Koox hubeysan oo degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku toogtay mid ka mid ah Xildhibannada Baarlamaanka Soomaaliya

Axad, September 22, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo watay gaari Toyota ah ayaa maqribnimadii caawa ku toogtay xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir xildibaan, Xuseen C/salaam Maxamed,  xilli uu ku socday gurigiisa.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso dilka xildhibaanka, iyadoo kooxaha toogtay ay markiiba goobta ka baxsadeen, xildhibaankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo sannadkan lagu dilo Muqdisho.

“Dableyda waxay gaariga la simeen gaarigooda baabuurkiii uu xildhibaanku watay, kaddibna waxay bilaabeen inay toogtaan,” ayuu yiri Caadil Sheegow oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Caadil Sheegow ayaa intaas ku daray in xildhibaanka la dilay xilli uu kusii jeeday gurigiisa, gaarigana ay la saarnaayeen dhowr qof oo saaxiibo ay yihiin.

“Xildhibaan Xuseen C/salaam ma wadan wax ilaalo ah, wuxuuna ahaa ruux rumeysan in markii uu waqtigiisu galo uu dhimanayo,” ayay saaxiibbadiis u sheegeen warbaahinta Muqdisho, iyagoo sidoo kale sheegay in markii la toogtay uu ku dhintay isla goobta lagu toogtay.

Dilka xildhibaankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay magaalada Muqdisho ka jireen falal amaan-darro oo ay geysanayaan kooxo hubeysan, iyadoo la xusuusto in shalay qarax uu ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya