4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2013
Xarakada Al-shabaab oo bog cusub ka furatay Twitter-ka kaddib markii laga xiray xalay bog ay shabakaddaas ku lahayd

Axad, September 22, 2013 (HOL) — Al-shabaab ayaa bog cusub ka furatay shabakadda Twitter-ka, kaddib markii xalay laga xiray bartii ay horay ugu lahaayeen shabakaddaas, taasoo ay ku sheegteen weerarkii lagu qaaday rugta ganacsiga WESTGATE ee magaalada Nairobi.

Barta cusub ee Al-shabaab ay ka furatay Twitter-ka ayaa waxay u bixiyeen @HSM_PressOffice, kaasoo baahisay qaybo ka mid ah wararka ku saabsan weerarkii lagu qaaday dhismaha ganacsiga Westage ee Nairobi, halkaasoo ay weli kooxihii weeraray ku jiraan.

Shabakadda Twitter-ka ayaa waxay sannakan saddex jeer ka xireen kooxda Al-shabaab, kaddib markii ay ku baahisay warar ku saabsan sarkaal la dilay iyo weliba kuwo kale oo qayb ka ah hanjabaadaha ay u jeediyeen dalalka ku yaalla Bariga Afrika.

Afhayeen u hadlay shabakadda ay bulshadu ku xiriirto ee Twitter ayaa xalay sheegay in Al-shabaab ay ka xireen markii saddexaad bog ay shabakaddaas ku lahayd, inkastoo uusan sheegin go’aankooda ku aaddan haddii ay furato bog kale oo Twitter ah.

Labadii sano ee ugu dambeysay oo Al-shabaab laga saaray deeegaanno ay ka talin jirtay oo ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa waxay billowday inay baahiso warar ku saabsan dagaallada ay kula jirto dowladda Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa u isticmaasha bogagga ay ka furato Twitter-ka inay ku gudbiso hanjabaahadooda. Iyadoo saraakiisha kooxdan ay horay u sheegeen in sababta bogaggan looga xirayo ay tahay in la ogaado xaqiiqada xaaladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya