4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2013
DR. DALMAR: ”Muddadii 11-ka sano ahayd ee uu jiray Isbitaalka Indhaha Al-Nuur Howlo badan ayuu bulshada u qabtay” (SAWIRRO)


Axad, September 22, 2013 (HOL) — Maamulka Isbitaalka Indhaha Al-Nuur oo ka mid ah isbitaalada indhaha ayaa faahfaahin ka bixiyay waxqabadkii isbitaalka mudadii uu jiray, iyadoo maanta ay ku beeganayd sanadguuradii 11-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay isbitaalka.

Agaasimaha isbitaalka indhaha ee Al-Nuur, Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Isbitaalkaas ee Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay waxqabadkii isbitaalkaas 11-kii sano ee uu jiray.

“Maanta oo taariikhdu tahay 22-ka September ee sannadka 2013-ka waxay shaqaalaha iyo maamulka isbitaalka Al-Nuur u tahay maalin farxadeed, maadaama ay ku beegan tahay 11-guuradii kasoo wareegtay markii la furay isbitaalka oo ku beegnayd 22-kii September, 2002-dii,” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Sidoo kale, Dr. Dalmar ayaa sheegay in isbitaalka Al-Nuur uu ahaa kii ugu horreeyay noociisa ee laga furo Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isagoo xusay in shaqada isbitaalka aysan hal maalin joogsan tan iyo markii la furay, ayna ka faa’iideysteen dad fara badan.

“Xaaladihii dagaal ee Muqdisho ay soo martay isbitaalka saameyn ayay ku yeesheen, waxayna keeneen in illaa shan meelood loo raro, wuxuuna markii ugu horreysay shaqadiisa ku billaabay xarun ku taalla xaafadda Black Sea ee degmada Hodan, kaddibna degmada Heliwaa ayuu u wareegay, sidoo kalena  ceelasha biyaha oo labo meelood ah ayaa xigtay, degmada Heliwaa ayuu dib ugu laabtay ugu dambeyna xaruntan aan hadda ka hadlayo ee KM-6 ayuuna soo dagay,” ayuu yiri agaasimaha isbitaalka indhaha Al-Nuur.

Dr. Dalmar ayaa sheegay in isbitaalka Al-Nuur uu ka kooban yahay qeybaha bukaan socodka, qalliinka, qaybta baarista qalabka kombiyuutarrada, qaybta daawada iyo qaybo kale oo ay ka mid yihiin cilmi-baarista iyo tababarada oo uu xusay in la siiyo ardayda dhaqtarnimada ka barata jaamacadda Banaadir, isagoo intaa raaciyay inay ku talo jiraan furidda qayb loogu talogalay in lagu tababaro dhaqaatiir ku taqasusay daweynta iyo qaliinka indhaha.

Agaasimuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in mudadii 11-ka sano ahayd ee uu jiray isbitaalka ay daweeyeen bukaano gaaraya 165,864 ruux kuwaasoo uu sheegay in loo sameeyay daweyn iyo ookiyaalo qoris (indha-gashi), waxaa kaloo uu sheegay in isbitaalka indhaha loogu fiiqay bukaano gaaraya 23,431 qof, howsha kale ee Al-Nuur Foundation oo laga fuliyay gobollada Sh/dhexe, Sh/hoose, Banaadir, Galgaduud, Mudug iyo Jubbooyinka ayuu sheegay inay ka faa’iideysteen dad gaaraya 284,321, kuwaasoo daweyntoodu ahayd buu yiri mid lacag la’aan ah. Xagga qaliinka ayuu sheegay inay ka faa’iideysteen dad gaaraya 65,342 qof. Wuxuuna xusay in isbitaalka Al-nuur tan iyo markii la furay lagu daweeyay bukaan socod gaaraya 450,285 qof.

Wuxuu intaas ku daray inay daweyn lacag la’aan ah iyo ookliyeyaal ay ugu deeqeen 10,000 oo arday oo wax ka barta iskuullada kala duwan ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, agaasimuhu wuxuu sheegay in isbitaalka ay ku tababareen arday ka baxay Jaamacadda Muqdisho oo ahaa toddoba dufcadood, isagoo sheegay in isbitaalka uu u mahadcelinayo hay’adaha ay wadashaqeyntu ka dhaxeyso sida: WHO, Al-Basar International Foundation, SRDF, wasaaradda Caafimaadka, Mudug Foundation, Muslim Aid, Towfiiq iyo Jaamacadda Banaadir.

Ugu dambeyn, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar wuxuu sheegay in sanooyinka soo socda ay qorsheynayaan inay xarumo lagu sameeyo qaliinnada kala duwan, daweyn iyo tababarro ay ka furi doonaan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, taasoo uu ku sheegay inay qayb ka tahay qorshaha ay ku horimarinayaan howlaha isbitaalka.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya