4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2013
Kulan looga hadlay sidii Culumadu Soomaaliyeed ay uga hor-tegi lahaayeen Fikirka Xag-jirnimada oo lagu qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, September 22, 2013 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay sidii ay culummada Soomaaliyeed  door uga qaadan karaan ka hor-taga fikiradaha Xag-jirnimada ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo doodda uu soo qabanqaabiyay ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYP.

Sheekh Ibraahim Maxamed Weydow oo doodda ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in culummada Soomaaliyeed iyo shacabku ay taladooda isku darsadaan si hal aragti uga qaataan xag-jirnimada, loona helo xal.

“Culummada Soomaaliyeed mas’uuliyad weyn ayaa ka saran inay ka hadlaan fikradaha qaldan ee xagga diinta ah. Kuwaasoo ay ka dambeyso Al-shabaab waxaana loo baahan yahay in ummadda laga badbaadiyo fikradahaas,” ayuu yiri Sheekh Ibraahim Weydoow.

Sidoo kale, C/qaadir Maxamed Axmed oo ka mid ahaa aqoonyahanadii kasoo qaybgalay doodda ayaa isaguna sheegay in xilligan Al-Shabaab ay iyagu is ugaarsanayaan, sidaas daraadeedna looga baahan yahay shacabka inay ka geystaan gacan sidii loo qaban lahaa kuwa ku dhuumanaya Muqdisho iyo deegaannada kale ee nabdoon.

"Qaabka ugu fiican in arrinta lagu sameyn karo waa in culimada iyo bulshada hoggaankeeda uu dhexmaro xiriir wanaagsan ayna noqdaan kuwosi aad ah isugu xiran. Hooyada iyo aabaha Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay iyagana inay il gaar ah ku hayaan wiilkooda, maadaama ay imaan karto in maskaxda laga bedelo, laguna wacyi-geliyaa in xagjirnimadu ay tahay mid aan wanaagsanayn," ayuu yiri Macallin Daahir oo ka mid ahaa culummadii doodda ka qaybgalay.

Waxaa kaloo doodda ka hadlay Sheekh Salaad Cantood Xasan oo xusay in sida fikirka xag-jirnimada diimeed lagu baabi'in karo in culummadu ay u istaagaan in meel walba ay ka hadlaan, isla markaana ay muujiyaan inuu fikirkani yahay mid qaldan oo horseedaya dhibaato.

"Sida lagu baabi'in karo xag-jirnimada diineed waxaa ka mid ah in shacabka laga wacyi-geliyo dhibaatooyinkiisa, culummaduna ay xoogga saaraan sidii ay fikirkaas ku baabi’in lahaayeen, maadaama uu yahay mid dhashay intii uu dalku ku jiray colaadaha," ayuu yiri Sheekh Cantoob oo xusay in saxaafadda ay iyaduna qayb ka qaadato sidii fikirkaan lagu baabi’in lahaa.

Ugu dambeyn, xubnihii doodda kasoo qaybgalay ayaa waxay is-dhaafsadeen fikrado iyo talooyin kusaabsan ka hortagga xagjirnimada diimeed, iyagoo u mahadceliyay hay’adda SYP oo kulanka soo abaabushay.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya