4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2013
Danjiraha Somalia u Fadhiya Kenya oo Soomaalida ugu baaqay in ay dhiig u shubaan dhaawacyadii Weerarkii Westgate
Som 11.jpg
Axad, September 22, 2013 (HOL) - Kadib markii uu dhiigiisa ugu deeqay dadkii ku waxyeelloobay weerarkii ka dhacay xarunta ganacsiga ee Westgate ayaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya uu ku baaqay Soomaalidu in ay dhiigooda u shubaan dadka dhaawaca ah maadaama cadow isku mid ah u na laynayo.

"Hal cadow ayay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed iyo kan Kenya, waa in aan dhiigeena u shubnaa si aan u tusno walaalnimo dadka reer Kenya ee weerarka arxan darrada ah lagu qaaday" ayuu yiri Danjire Cali Ameeriko.

Som 6.jpg

Safiirka ayaa beeniyay warar sheegaya in kooxaha weerarka qaaday ay waydiinayeen dadka diinta ay haystaan qofkii Islaam sheegtana lasii daynayay.

"Waxaas waxba kama jiraan waxaana cadayn u ah in Yaasiin Xirsi oo ahaa wiil Soomaali ah ay ku dileen goobtaas, dadkani diin maleh waana cadowga aadamaha oo idil" ayuu yiri Safiirka Soomaaliya oo waraysi siiyay idaacadaha maxalliga ah ee dalka Kenya.

Dawlada oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, Ra'iisul wasaaraha Cabdi Faarax Shirdoon iyo gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa dhammaantood soo saaray dhambaalo isugu jira tacsi iyo cambaarayn oo ku aadan weerarka lagu qaaday Kenya oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa tan iyo sannadkii 1998-dii xilligaas oo la weeraray safaaradii uu Maraykanku ku lahaa magaalada Nairobi.

Som 2.jpg
Som 4.jpg
Som 3.jpg
Som 5.jpg
Som 1.jpg
Som 7.jpg
Som 8.jpg
Som 9.jpg
Som.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya