4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2013
Qaar kamid ah qoyska madaxweynaha dalka Kenya oo lagu dilay weerarkii lagu qaaday Westgate

Axad, September 22, 2013 (HOL) - Warar soo baxay ayaa sheegaya in xubno kamid ah qoyska madaxweynaha dalka Kenya ay ku jireen dadkii lagu dilay weerarka lagu qaaday xarunta gacacsiga ee Westgate.

Inkastoo aan la cadayn tirada qaraabada madaxweynaha ee ku dhimatay weerarka lagu qaaday Westgate madaxweynaha Kenya oo xalay dadweynaha khudbad u jeediyay ayaa ka dhawaajiyay arrinkaasi.

“Waan dareensanahay xanuunka aad dareeemaysiin, marka la fiiriyo anigoo shakhsiyan ku waayay weerarkan xubno aad iigu dhow oo ka tirsan qoyskayga, ilaahey waxaan ka baryayaa inuu kulligeen samir naga siiyo inta aan ka gudbayno masiibadan" ayuu yiri madaxweynaha Kenya oo taleefishinka kasoo muuqday.

Wararka ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya halkaasi ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay ku guul darraysteen inay gudaha u galaan dhismaha oo ay soo badbaadiyaan maxaabiista la haysto taasoo keentay inay yimaadaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo caawinaya ciidanka Kenya kuwaasoo ka socda wadamada Maraykanka, Britain iyo Israel sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya.

Waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ciidanka Kenya oo taageero ka helaya ciidamo shisheeye ay gudaha u galaan dhismaha oo ay ku jiraan raggii hubaysnaa iyo dad maxaabiis ah oo ay madax furasho ahaan u haystaan.

Isbitaallada dalka Kenya ayaa shaaciyay in dhimashadu ay sii kordhayso iyadoo haatan gaartay 69 qof dhaawacuna 150 kor u dhaafayo

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya