4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo oo Maanta u dhoofay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland (SAWIRRO)


Axad, September 22, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u dhoofay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, iyadoo safarkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ugu ambabaxo dal ku yaalla Qaaradda Yurub.

Mudane Saacid ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya wasiirka garsoorka, Cabdullaahi Ebyan Nuur, afhayeenka xukuumada Ridwaan Xaaji C/weli iyo xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi oo ah marwada ra’iisul wasaaraha, iyagoo kaga qaybgeli doona magaalada Geneva shir looga hadlayo horumarinta xaquuqul insaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, shirkan ayaa waxaa ka qeyb gali doonta wasiiradda horumarinta  addeega bulshada xukuumadda Soomaaliya, Maryann Qaasim iyo safiirka u fadhiya Soomaaliya Geneva, dajire Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-bari).

Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa marka uu soo dhameysto safarka uu ku tegayo Geneva, in isaga iyo wafdigiisu ay tegi doonaan dalka Turkiga, halkaas oo ay madaxda dalkaasi kulammo kula qaadan doonaan.

Kulammadaas ayaa waxaa looga hadli doonaa horumarinta kaalmooyinka uu Turkigu siiyo Soomaaliya iyo adkeynta xiriirka labada dal, iyadoo lagu wado in ra’iisul wasaaruhu uu la kulmo inta uu ku sugan yahay waddanka Turkiga Soomaalida ku nool dalkaas oo u badan arday.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa tacsi u diray madaxweynaha dalka Kenya, isagoo uga tacsiyeeyay dadkii ku naf waayay weerarkii dhismaha ganacsiga ee WESTGATE lagu qaaday shalay, halkasoo illaa iyo hadda ay ku jiraan kooxihii weeraray.

Mudane Saacid ayaa falkaas ku tilmaamay mid argagaxiso oo ay aad uga xun yihiin, isagoo xusay in tani ay sababayso in dalalka gobolka oo dhan ay meel uga soo wada jeestaan kooxaha argagixisada ah ee geysanaya falalka noocan oo kale ah.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya