4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2013
Al-shabaab oo markii Saddexaad laga xiray bar ay ku lahayd Shabakada ay Bulshadu ku Xiriirto ee loo yaqaan Twitter-ka

Axad, September 22, 2013 (HOL) — Bartii Xarakada Al-sjabaab ay ku lahayd bogga ay bulshada ku xiriirto ee Twitter-ka ee xalay ku sheegteen weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ayaa la xiray, iyadoo afhayeen u hadlay shirkadda iska leh shabakaddan uu sheegay inay isitmcaalka barta ka joojiyeen Al-shabaab.

Waa markii saddexaad oo Al-shabaab laga xiro bar ay ku leedahay Twitter-ka kaasoo ay inta badan kusoo bandhigaan wararka ku saabsan dagaalka ay ku jiraan iyo weerarrada ay geystaan.

“Bartii Al-sbabaab ay ku lahayd Twitter-ka waa la xiray, tanina waa markii saddexaad oo Al-shabaab laga xiro bog ay bartan ku lahayd,” ayuu yiri mid ka mid ah afhayeennada shirkadda iska leh boggan oo xarunteedu ay tahay dalka Mareykanka.

Al-shabaab ayaa bartan u adeegsata baahinta macluumaadyada la xiriira weerarrada ay Soomaaliya iyo dalalka gobolka ka geysato, iyadoo tan iyo billowgii sannadkan laga xiray saddex barood oo ay Twitter-ka ku lahayd.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa horay u sheegtay in sababaha looga xirayo baraha ay ku leeyihiin Twitter-ka ay la macno tahay inaan la ogaan dagaalka ay ku jiraan iyo macluumaadyada la xiriira dhibaatooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya.

Tan iyo markii Al-shabaab laga saaray deegaanno badan oo Soomaaliya ka tirsan labadii sano ee lasoo dhaafay waxay billaabeen dagaal afka ah iyagoo warbixinnadooda kusoo bandhigi jiray bogagga ay ku sameysteen Twitter-ka.

Bishii Jannaayo ee sannadkan oo ahayd markii ugu horreysay oo Al-shabaab laga xiro bar ay ku leedahay Twitter-ka ayaa waxay kusoo bandhigeen dilka sarkaal ka tirsan ciidamada sirta Faransiiska oo sannado gacantooda ku jiray, balse ugu dambeyn ay toogteen markii ciidamada gaarka ah ee dalka Faransiiska ay ku guul-darreysteen inay xoog ku furtaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya