3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2013
Ciidanka Kenya oo weli la hardamaya kooxo Hubeysan oo shalay Qabsaday Xarunta Ganacsiga WESTGATE ee Magaalada Nairobi

Axad, September 22, 2013 (HOL) — Ciidamada Kenya ayaa weli dagaal kula jira kooxo hubeysan oo shalay barqadii la wareegay xarunta ganacsiga ee WESTGATE oo ku taalla bartamaha magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Wararka laga helayo Nairobi ayaa sheegaya in kooxihii hubeysnaa ay weli ku jiraan qaybo ka mid ah xaruntaas ganacsi, iyagoo halkaas ku haysta dad aad u badan oo isugu jira Kenya iyo ajnabi.

“Xarunta ganacsiga ee Westage weli waxaa ka dhacaysa rasaas fudud oo ay is-weydaarsanayaan kooxihii hubeysnaa oo gudaha ku jira iyo ciidamada Kenya oo ku sugan qaybo ka mid ah dhismaha iyo bannaankiisa,” ayuu yiri goobjooge Soomaali ah oo ku sugan magaalada Nairobi.

Mas’uuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab oo Soomaaliya ka dagaalanta, iyadoo ku sheegtay qoraal ay soo saartay inuu yahay mid ay ugu aar-gudayaan dadkii Soomaaliyeed ee ciidamada Kenya ay ku laayeen gudaha Soomaaliya.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa sheegay in howgalka ay soo gabagabeyn doonaan barqonimada maanta oo Axada ah, iyagoo aan sheegin cid ka mid ah kooxihii hubeysnaa ee weeraray goobtaas oo la qabtay ama la dilay.

Weerarkan oo noqonaya kii ugu weynaa ee dalka Kenya ka dhaca tan iyo markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya ayaa sababay dhimashada in ka badan 40-qof oo uu ku jiro wiil Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Yaasiin.

Bannaanka xarunta ganacsiga WESTGATE ayaa waxaa weli ku sugan shacab aad u fara badan, kuwaasoo ehelladooda lagu haysto gudaha xarunta iyagoo sugaya in ehelladooda ay dibadda u soo baxaa iyagoo nool.

Dhanka kale, Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ayaa sheegaya inay la soo daristay cabsi weyn, kaddib markii weerarkan mas’uuliyaddiisa ay xalay sheegatay Al-shabaabta ka dagaalanta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/22/2013 1:41 PM EST
Axad, September 22, 2013 (HOL) — Wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in ciidamada Kenya aysan ka bixi doonin gudaha Soomaaliya, ayna qayb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

9/22/2013 1:29 PM EST
Axad, September 22, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo watay gaari Toyota ah ayaa maqrinimadii caawa ku toogtay xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir xildibaan, Xuseen C/salaam Maxamed xilli uu ku socday gurigiisa.

9/22/2013 12:53 PM EST
Axad, September 22, 2013 (HOL) — Al-shabaab ayaa bog cusub ka furatay shabakadda Twitter-ka, kaddib markii xalay laga xiray bartii ay horay ugu lahaayeen shabakaddaas, taasoo ay ku sheegteen weerarkii lagu qaaday rugta ganacsiga WESTGATE ee magaalada Nairobi.

9/22/2013 12:26 PM EST
Axad, September 22, 2013 (HOL) — Maamulka Isbitaalka Indhaha Al-Nuur oo ka mid ah isbitaalada indhaha ayaa faahfaahin ka bixiyay waxqabadkii isbitaalka mudadii uu jiray, iyadoo maanta ay ku beeganayd sanadguuradii 11-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay isbitaalka.

9/22/2013 9:31 AM EST
Axad, September 22, 2013 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay sidii ay culummada Soomaaliyeed door uga qaadan karaan ka hor-taga fikiradaha Xag-jirnimada ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo doodda uu soo qabanqaabiyay ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYP.

9/22/2013 9:14 AM EST
Kadib markii uu dhiigiisa ugu deeqay dadkii ku waxyeelloobay weerarkii ka dhacay xarunta ganacsiga ee Westgate ayaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya uu ku baaqay Soomaalidu ay dhiigooda u shubaan dadka dhaawaca maadaama cadow isku mid ah u na laynayo.

9/22/2013 8:40 AM EST
Maalin kadib markii koox hubaysan ay weerar qorshaysan ku qaadeen xarunta Westgate ayaa waxaa arrinta soo faragaliyay ciidamada Israel.

9/22/2013 6:37 AM EST
Warar soo baxay ayaa sheegaya in xubno kamid ah qoyska madaxweynaha dalka Kenya ay ku jireen dadkii lagu dilay weerarka lagu qaaday xarunta gacacsiga ee Westgate.

9/22/2013 6:15 AM EST
Axad, September 22, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda iyo xeer ilaaliyaha degmada Baydhabo ayaa maanta xabsiga la dhigay, kaddib markii lagu eedeeyay inay xabsiga kasii daayeen nin gacanku dhiigle ahaa oo lagu xukumay dil toogasho.

9/22/2013 6:07 AM EST
Axad, September 22, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u dhoofay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Iyadoo safarkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ugu ambabaxo dal ku yaalla Qaaradda Yurub.

9/22/2013 5:45 AM EST
Axad, September 22, 2013 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in 59-qof ay ku dhinteen 162-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen weerarkii lagu qaaday rugta ganacsiga ee WESTGATE, halkaasoo qaybo ka mid ah ay weli gacanta ku hayaan kooxihii weerarka ku qaaday.

9/22/2013 2:37 AM EST
Axad, September 22, 2013 (HOL) — Bartii Xarakada Al-sjabaab ay ku lahayd bogga ay bulshada ku xiriirto ee Twitter-ka ee xalay ku sheegteen weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ayaa la xiray, iyadoo afhayeen u hadlay shirkadda iska leh shabakaddan uu sheegay inay isitmcaalka barta ka joojiyeen Al-shabaab.

9/22/2013 2:34 AM EST
Axad, September 22, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Somalia ayaa saaka howgallo baaritaano ah kawada gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo waddooyinka soo gala, howlgalkaas oo lagu sheegay mid lagu xaqiijinayo amniga guud ee suuqaas.

9/22/2013 2:27 AM EST
Axad, September 22, 2013 (HOL) — Afhayeenka guud ee ururka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ka hadlay weerarkii ay sheegteen ee lagu qaaday dhismaha ganacsi ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in haddii Kenya ay doonayso nabad ay ciidamadeeda kala baxo Soomaaliya.