4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2013
Howlgallo saaka ay ciidamada Dowladda Somalia ka wadaan suuqa weyn ee Bakaaraha iyo Waddooyinka soo gala

Axad, September 22, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka howgallo baaritaano ah kawada gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo waddooyinka soo gala, howlgalkaas oo lagu sheegay mid lagu xaqiijinayo amniga guud ee suuqaas.

Baaritaannada ayaa waxaa lagu sameynayaa goobaha ganacsiga iyo qofkii galay suuqa, waxaana inta badan xiran xarumaha ganacsiga ee suuqaas oo ay kusoo noq-noqdeen falalka ammaan-darrada ah oo ay ugu horreyaan kuwa lagu geysanayo qaraxyada.

Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay shalay qarax geystay dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadkii uu ka soo gaaray dhaawaca ka mid ahaa muwaadin u dhashay dalka Yemen.

Goobjoogayaal ku sugan suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in ciidammo aad u fara badan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay ku sugan yihiin qaybaha uu suuqaasi ka kooban yahay, iyagoo baaritaanno adag sameynaya.

“Qof walba oo suuqa gelaya waa la baarayaa, sidoo kale waxaa baaritaanno ay ka socdaan goobaha ganacsiga qaarkood,” ayuu yiri goob-jooge ku sugan gudaha suuqa Bakaaraha oo sheegay in ciidamadu ay raadinayaan walxaha qarxa iyo hubka fudud.

Saraakiisha hoggaaminaysa howgalkan ayaa warbaahinta qaarkeed saaka u sheegay in howlgalladani ay yihiin kuwo ammaanka suuqa lagu xaqiijinayo, iyagoo aan sheegin cid ay weli kusoo qabteen.

Ma jirto cid sheegatay qaraxii shalay ka dhacay gudaha Suuqaas, laakiinse saraakiisha ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay inay ka dambeysay Al-shabaab uuna qayb ka yahay falalka ammaan-darro ee ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Bilihii ugu dambeeyay waxaa suuqa Bakaaraha ka dhacayay falal ammaanka kasoo horjeeda oo ay geysanayaan kooxo hubeysan, iyadoo aysan jirin cid loo qabtay falalkaas ammaan-darro, iyadoo Al-shabaab ay horay u sheegtay inay Muqdisho ku sugan yihiin xoogag taageersan oo fulin kara weerar walba ay u baahdaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya