4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2013
AFHAYEENKA AL-SHABAAB: “Kenya Haddii ay doonayso Nabadgalyo waa in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya”

Axad, September 22, 2013 (HOL) — Afhayeenka guud ee ururka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ka hadlay weerarkii ay sheegteen ee lagu qaaday dhismaha ganacsi ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in haddii Kenya ay doonayso nabad ay tahay in ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya.

Sheekh Cali Dheere ayaa ku sheegay weerarkan inuu yahay mid jawaab u ah xasuuq uu sheegay in ay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay qaar ka mid ah gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ka geysteen.

“Kenya haddii ay doonayso nabad waa inay ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya, waayo dhibaatada ay maanta ka arkayaan Nairobi iyo dhiigga ku qubanaya waddooyinka waaweyn, waa mid la mid ah kuwii ay ciidamadoodu ka geysteen Soomaaliya,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

Afhayeenka oo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay in dhibaatooyinka noocan oo kale ay kasii socon doonaan Kenya inta ay ciidamadoodu Soomaaliya ku sugan yihiin oo ay ka geysanayaan xasuuqa shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah.

“Dadweynaha Kenya haddii ay la yaaban yihiin waddooyinka Nairobi oo xiran iyo dhiiggooda oo dhulka ku daadanaya, waxaa la gudboon in laba arrimood ay kala doortaan, taasoo ah inay nabad-galyo xumada kusii jiraan iyo inay ku qasbaan madaxdooda inay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya,” ayuu ku daray hadalkiisa afhayeenka Al-shabaab.

Sheekh Cali Dheere ayaa ku faanay in ciidamadooda shalay weeraray ay ku sugan yihiin weli gudaha xaruntaas oo ay ciidamada Kenya ku dhici la’yihiin inay ka saaraan, isagoo sheegay in xoogaggaas ay beegsanayaan cid walba oo ay u arkaan cadow.

Afhayeenka guud ee Al-shabaab ma uusan sheegin tirada dagaal-yahannada ku jira xarunta ganacsi ee WESTGATE, isagoo qabsashada xaruntaas ganacsi ku sheegay inay tahay guul weyn oo ay gaareen, ayna dagaalka wadayaan inta ay hadafkooda ka gaarayaan.

Dhanka kale, madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo telefishinka dalkaas kala hadlay xalay shacabka, ayaa sheegay in Kenya aysan u joogsan doonin falalka argagaxiso ee Al-shabaab ay ka geysanayaan dalkiisa, isagoo xusay in ciidamadooda ammaanka ay u diyaarsan yihiin in ay la dagaalaan kuwa falalka noocan oo kale ah geysanaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya