4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2013
Mutarmaka 13aad ee golaha Imaamyada iyo masjidka Abuubakar ee MPLS oo lagu soo gabagabeeyey gobolka Minnesota

Isniin, September 02, 2013 (HOL) - Waxaa Gobalka Minnesota  lagu soo gabagabeeyey mutamarkii 13-aad ee sanadlaha ahaa ee ka dhici jiray Minneapolis convention Center, oo ay soo qaban qaabin jireen Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika iyo Abuubakar As-Saddique Islamic Center.

Mutarmaka Sanadkan ayaa hal ku dhigiisu ahaa aayad quraan ah oo macnaheedu yahay“Islaamka dhamaantiis wada Gala” Mutamarka ayaa socday August 30-Sebtember 1, 2013 taasoo ku beegnayd xili dalka Maraykan fasax Loogu jiro Labor Day,.

Mutamarka ayaa ku baxayey Somali iyo luuqada Ingiriisiga, waxaa kasoo qayb galay culimo farabadan oo ka kala yimid dalka dibadiisa iyo gudihiisa. Culimadaasna waxaa ugu caansanaa Sh. Maxamed Idris Axmed oo kasoo kici timay dalka Sucuudiga, Sh. Axmed Nur, Sh. Abdirisaaq Xaashi, Sh. Khaddar Jama, Sh. Abdirisaaq Sancaani iyo Sh. Abdullaahi Abul Fadli.  Culimmada Luuqada Ingiriisiga ayaa waxaa ka mid ahaa Sh. Siraaj Wahhaj iyo Sh. Abdulbary Yahya,Sh. Mohamed Dini,Sheikh Okasha Abdallah  oo ka kala yimid  gobolada dalkan Maraykan.

Mutamarka oo socday sadex bari ayaa culimmmadu soo jeediyeen muxaadaraad farabadan oo ku baxayey luuqadaha aan soo xusnay hoosna imaanayey magaca guud ee Mutamarka.

Maalinkii Sabtida ayaa mutamarka waxaa lagu soo bandhigay qalin jabinta machadka Abuubakar, Xarunta Abuubakar ayaa laba sano kahor hirgalisay Macad Islaami ah oo lagu baranayo Shareecada Islaamka, macadkaa ayaa loogu tala galay ardayda kasoo baxda in la siiyo Shahaado diploma ah, sidoo kale ardayda Macadkaas kasoo baxda ayaa waxay awood u yeelanayaan inay noqdaan imaamyo Masaajid iyo Macalimiin dadka wax bari kara. Ardayda qalin jabisay ayaa dhamayd 56 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Mutamarka ayaa waxaa kaloo ka hadlay masuuliyiinta laga soo doorto gobal kan sida Congressman Keith Ellison , Senator Amy Klobuchar & Dadkale oo kale.

Waa alle Mahadii hadii ay guul noogu dhamaatay waana farxad lama iloobaana in ilaa lixdan muxaadaro ay baxeen sadaxdaa maalmood waxaa sidaa yiri maamulaha masjidka Abuubakar Sadiq MPLS Max'ud Guuleed (Suhayb)

Maanta oo Axad ah ayaa waxaa lasoo gaaray gabagabadii mutamarka ,  sidii caadada ahayd ayaa waxaa tabarucaad loo aruuriyey Masaajidka abuubakar, sidoo kale waxaa talooyin iyo dardaaran wax ku ool ah kasoo jeediyey dhamaan culimmadii mutamarka kasoo qayb gashay iyo waxgarad kale.  Ugu danbayntii waxaa lagu gabagabeeyey su’aalo iyo jawaabo iyo Duco.

Mutamarkaan 13aad oo maqal iyo muuqaal ah (Video) dhawaan ayaan idiin soo dhajindoonaa.

Siyad Salah
Minneapolis, MN
[email protected]