4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2013
Xukuumadda Soomaaliya iyo Bankiga Islaamka oo heshiis ku kala saxiixday Magaaladda Jeddah ee dalka Sucuudiga (SAWIRRO)


Isniin, September 02, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya iyo Bankiga Islaamka ayaa maanta heshiisyo ku kala saxiixday magaalada Jeddah ee boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyadoo halkaas ay ku sugnaayeen wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Heshiisyadan oo ka dhacay xarunta bangiga Islaamka waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Nuur Gacal, halka bangiga Islaamkana uu u saxiixay Axmed Maxamed Cali oo ah guddoomiyaha Bankiga Islaamka.

Heshiiska hore ayaa socon doonaa illaa sannadka 2020-ka, waxaana qodobbadiisa ka mid ah:

  1. Horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dalka
  2. Wax-soo-saarka kala duwan ee dalka
  3. Daymaha bislaaday oo dib loo eego
  4. Soo noolaynta mashaariicdii Bankiga Islaamka uu ka fulin jiray Somalia
  5. Tayeynta howl-qabadka hay’adaha dowladda

Sidoo kale, heshiiskan waxaa qayb ka ah in bankigu uu ka shaqeeyo ururinta lacagaha kaalmada ah ee dalalka Islaamku ay ugu talo- galeen Soomaaliya iyo fududaynta heshiisyada iyo adeegyada daymaha.

Heshiiska labaad ee xukuumadda Somalia iyo Bankiga Islaamku ay kala saxiixdeen ayaa ku kacaya 35-miliyan oo doollar oo lagu fulin doono mashriic degdeg ah oo ay ka mid yihiin horumarinta biyaha, waxbarashada iyo wax-ka-qabashada deegaannadii abaaruhu ku dhufteen oo xilli kooban la bilaabi doono.

“Waxaan uga mahad naqaynaa Bankiga Islaamka mashaariicda Soomaaliya uu ka fulinayo oo ah kuwo horumarineed iyo iskaashiga joogtada noqonaya ee maanta aan isku af-garannay, kaddib muddo dheer oo bankigu uu xayiray kaalmooyinkii Soomaaliya la siin jiray. Soomaaliya waxay ku socotaa dariiqii ay kusoo kaban lahayd,” ayuu yiri ra’iiusl wasaaraha Soomaaliya oo kulanka lagu saxiixay heshiiska ka hadlay.

Guddoomiyaha Bankiga Islaamka Axmed Maxamed Cali oo kulan gaar ah la yeeshay ra’iisul wasaaraha, ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Bankiga Islaamku uu yahay mid soo jireen ah, dibna loo fasaxyo kaalmooyinka la siin jiray Soomaaliya maadaama ay kusoo noqotay xasillooni 22-sano kaddib, isagoo ballan qaaday inay diyaar u yihiin ka qaybgalka dhismaha dalka iyo horumarinta mashaariicda kale ee aasaasiga ah.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya