4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2013
Siiriya oo sheegtay in weerar uu Mareykanku ku qaado dalkeeda uu xumeyn doonto Aragti Mareykanka ee Bariga Dhexe

Syrian Deputy Foreign Minister Faisal Mekdad. (screen capture: Youtube/Channel4News)
Isniin, September 02, 2013 (HOL) — Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalka Siiriya ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama oo marmarsiiyo ka dhiganaya in xukuumadda Bashaar Al-Asad ay kiimiko ku weeraray shacabkeeda uu doonayo inuu weerarro cirka ah ku qaado Siiriya, balse taasi ay xumeyn doonto aragtida Mareykanka ee Bariga dhexe.

Faysal Mekdad oo u warramayay telefishinka CBS ee dalka Mareykanka ayaa ugu baaqay kongreeska Mareyanka inaysan ogolaan in dalkooda uu weerar ku qaado dalka Siiriya, haddii kale khasaarii ka dhasha weerarkaas ay dusha u ridan doonaan.

Idaacadda ku hadasha afka dowladda Siiriya ayaa sheegtay in go’aanka xukuuumadda Washington ay ku doonayso inay duqeymo kaga geysato Suuriya ay taariikh fool xun oo dhaxalsiin doonto Mareykanka.

“Mareykanku haddii ay duqeeyaan Siiriya wuxuu ka dhaxli doonaa cawaaqib fool xun, waxayna saameyn ku yeelan doontaa deggenaasha gobolka Bariga dhexe,” ayuu Mekdad ku yiri wareysiga uu siiyay CBS.

Su’aal ahayd jawaabta ay Siiriya ka bxinayso weerarka Mareykanka oo CBS ay weydiisay wasiir ku xigeenka ayaa wuxuu kaga jawaabay: “Bariga dhexe coalado ayaa horay uga jiray, tallaabada Mareykankuna xaalada gobolka ka taagan ayay kasii daraysaa, balse waxaan rajeynayaa in koongareeska dalkaas aysan ogolaan go’aanka uu qaatay Obama. Waayo tani waa mid badalaysa sawirka Mareykanka ee Bariga dhexe.”

Wasiir ku xigeenka oo la weydiiyay su’aal kale oo ahayd in Siiriya ay waddo qorshey ay kaga jawaabayso weerarka Mareyanka ayaa ayaa wuxuu kaga jawaabay: “Xukuumadda Siiriya weli ma go’aansan inay weerarkaas jawaab ka bixinayso iyo in kale. Anigu ma ihi ciidan, balse albaabbadu waa furan yihiin wax walbana waa suurogal.”

Faysal Mekdad wuxuu diiday inuu ka jawaabo su’aal ahayd in Siiriya ay ugu jirto qoshaha inay gantaallada riddada dheer ku garaacdo Israa’iil oo xuduud wdaag ay yihiin xiriir wanaagsanna uu kala dhexeeyo Mareykanka.

Xukuumadda Siiriya ayaa weli diiddan inay shacabkeeda u adeegsatay hub ka sameysan kiimiko, iyadoo dowladaha reer galbeedkuna uu ku eedeeyay xukuumadda Bashaar Al-Asad inay adeegsatay kiimiko ayna ku dishay dad ka badan 1,400 oo qof oo u badan caruur.

“Waxaan u aragnaa go’aanka Mareyanka uu ku doonayo inuu duqeymo kaga geysto Siiriya mid ka horimaanaysa shuruucda caalamiga ah, waxaana xaqiijinayaa in tallaabadan ay noqon karto mid ay ka faa’iideystaan kooxha ka dagaalamaya Siiriya ee xiriirka la leh Al-Qaacida,” ayuu Faysal ku yiri wareysiga lala yeeshay.

Dalka Shiinaha oo xulufo dhow ay yihiin xukuumadda Siriya ayaa ka digaysa in Mareykanka uu tallaabo milateri ka qaado dalka Siiriya, iyagoo sheegay in ay codka diidmada qayaxan kala horimaan doonaan go’aan Mareykanka uu ku doonayo inuu ku weeraro Siiriya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya