4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2013
Olole Nadaafad oo ay ka Qab-galayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada oo Maalintii labaad ka socda Laascaanood (SAWIRRO)


Isniin, September 02, 2013 (HOL) — Olole nadaafdeed ay iska kaashadeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dowlada hoose ee Laascaanood ayaa maalintii labaad ka socda magaaladaas, iyadoo qorshuhu uu yahay in looga nadiifiyo qashinka magaaladaas oo xarun u ah gobolka Sool.

Ololahan oo ay qaban-qaabadiisa lahaayeen ururka horumarinta gobolka Sool ayaa waxaa ka qayb-qaadanayey machadka caafimaadka, dugsiyada bisha-cas, ururrada dhallinyarada, haweenka iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada.

Duqa degmada Laascaanood, C/qaadir Jaamac Saalax oo ka hadlay ololahan ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay mida hormuudka u ah iskaashiga ay sameynayaan bulshada, wuxuuna u mahad-celiyay cid walba oo ka qayb-qaadanaysa ololahan oo socon doona inta laga xaqiijinaayo nadaafada guud ee magaalada Laascaanood.

Sheekh Siciid Axmed Cadar oo ka mid ah guddiga horumarinta bulshada ee gobolka Sool oo lahaa hawlgalkan abaabulkiisa ayaa sheegay in nadaafadda magaalada loo baahan yahay, shacabkuna ay meel uga soo wada-jeestaan si loo helo bulsho caafimaad qabta.

Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ayaa qayb libaax leh ku lahayd abaabulkii hawshan, iyadoo telefoonnada gacanta ku faafinaysay sidii nadaafadda looga qayb qaadan lahaa iyo iyadoo samaysay goob dhaqaalaha lagu ururiyo.

Ololahan oo aan badanaa bulshada magaaladu u kala harin dhinac dhaqaale iyo dhan hawlgalba ayaa waxaa la odhan karaa waa kii ugu ballaadhnaa ee soo mara magaalada Laascaanood, kaasoo kusoo beegmay xili la sugaayo roobka dayrta.






Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Somaliland