4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2013
Wafdi ka Socday Qaramada Midoobay oo Maanta Gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe

Isniin, September 02, 2013 (HOL) — Wafdi ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe, halkaasoo ay kula kulmeen maamulka degmada oo ay kala hadleen xaaladaha shacabka ku nool degmadaas.

Intii uu shirku socday ayaa waxaa qodobbadii lagu soo qaaday ka mid ahaa sidii hay’adaha Qaramada Midoobay ay dayactir ugu sameyn lahaayeen xaruntii ay ku lahaayeen degmada Jowhar oo ahayd middii laga maamuli jiray xafiisyada Qaramada Midoobay ee Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka Degmada Jowhar ayaa si hordhac ah ugu sheegay warbaahinta in waxyaabaha ay kala hadleen maamulka ay ka mid yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka ku nool gobolka Shabeellada dhexe gaar ahaan deegaannada ay dowladdu ka tilso.

“Wafdigu inta ay ku sugan yihiin Jowhar waxay booqan doonaan goobaha uu ka fatahay webiga Shabeelle, kaamam ay ku jiraan dad barakacayaal ah iyo weliba jidad burbursan,” ayuu yiri mas’uul u hadlay maamulka gobolka.

Socdaalkan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo ay degmada Jowhar ku tagaan xubno ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay, tan iyo markii laga saaray degmadaas Al-shabaab bartamihii sannadkii hore.

Degmada Jowhar oo ka mid ah degmooyinkii ay ka baxday Hay’adda MSF ayaa waxay maamulka degmadaas dhowr jeer oo hore ka codsadeen hay’adaha Qaramada Midoobay inay buuxiyaan kaalintii ay MSF banneysay.

Ammaanka degmada ayaa aad loo adkeeyay maanta, iyadoo xaafadaha kala duwan ee degmadaas lagu arkayay ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa maamulka oo ammaanka aad u adkeynaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya