4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2013
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka federaalka Somalia oo maanta gaaray Degmada Doolow oo ka tirsan Gobolka Gedo

Isniin, September 02, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, iyagoo kulammo la yeeshay maamulka degmadaas iyo shacabka ku nool.

Mudanayaashan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay degmada Doolow maamulka degmadaas, saraakiisha ciidamada iyo dadweyne fara badan oo isugu soo baxay degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Doolow, C/rashiid Xasan Cabdinuur oo ka hadlay kulanka ay la yeesheen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka sheegay in socdaalkan uu yahay mid ay aad ugu faraxsan yihiin, wuxuuna ku daray hadalkiisa in kulammadan ay yihiin kuwo kala war-qaadasho ah.

Xildhibaan, Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ahaa xildhibaannadii Doolow tagay oo la hadlay warbaahinta ayaa isaguna sheegay in socdaalkooda uu yahay sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda shacabka ku nool degmada Doolow ee gobolka Gedo iyo caqabadaha haysta.

“Booqashadan waa mid aan ku doonayno inaan ugu kuurgalno xaaladda ay ku sugan yihiin dadka degmada Doolow ku nool, waxaana ku faraxsannahay in si diirran naloogu soo dhaweeyay degmada,” ayuu xidlhibaanku hadalkiisa ku yiri.

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo fasax ku jira ayaa waxay qaar ka mid ah billaabeen inay socdaallo ku tagaan deegaannada ay kasoo jeedaan si ay warbixinno ku saabsan xaaladaha ka ugu kuurgalaan ayna uga jeediyaan kulammada baarlamaanka ee soo socda.

Guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay ka doonayaan xildhibaannada baarlamaanka inta fasaxyada lagu jiro inay dib ugu laabtaan deegaannada ay kasoo jeedaan si ay warbixinno uga keenaan.

Degmada Doolow oo ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo kuna taalla soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay socdaal noocan oo kale ah ku tagaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya