4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2013
Xafiiska Jinsiga (Gender-ka) ee AMISOM oo faahfaahiyay Howlihii uu qabtay tan iyo Markii dhidibbada loo Taagay Xafiiskan


Isniin, September 02, 2013 (HOL) — Xafiiska Jinsiga (Gender-ka) ee AMISOM ayaa soo bandhigay waxqabadkiisii tan iyo markii la saasaasay sannadkii 2009, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen wacyigelinta bulshada gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed iyo sidii ay loo joojin lahaa faquuqa lagu hayo.

Warbixin ku qoran afka Ingiriiska oo ka kooban 12 bog ayaa lagu sheegay in xafiisku uu dadaal u badan u galay sidii haweenka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqaadka ay leeyihiin, loona joojin lahaa dhibaatooyinka loo geysto oo ay ka mid yihiin kufsiga.

Sidoo kale, warbixinta waxaa lagu sheegay in AMISOM ay go’aansatay inay meel-mariyo qodobbadii ay Qaramada Midoobay soo saartay ee la xiriira sidii looga hortegi lahaa xadugudbyada uu kufsiga ka mid yahay ee loo geysto haweenka Soomaaliyeed.

“Xafiiska Jinsiga ee AMISOM wuxuu qabtay tababarro badan oo ku saabsan sidii looga hortegi lahaa dhibaatooyinka haweenka loo geysto iyo sidii ay ku heli lahaayeen haweenka Soomaaliyeed xuquuqaadkooda aasaasiga ah, kuwaas oo qaarkood lagu qabtay dalka gudihiisa kuwo kalena lagu qabtay dalalka bariga Afrika,” ayay lagu yiri warbixinta uu xafiisku soo saaray.

Kulammada uu xafiiskan qabtay ee la xiriira jinsiga (Ragga iyo Dumarka) Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah shir lagu qabtay Kamapala, kaasoo laga soo saaray sharci qabyo ah oo ku saabsan sidii haweenka Soomaalida ay u heli lahaayeen xuquuqahooda sida ka qaybgalka siyaasadda dalka iyo tallooyinka kale.

“Shirarkaas waxay noqdeen kuwo meelmaray, waxaana noo qorsheysan in aan sameyno shirar kale oo ku saabsan sidii loo joojin lahaa dhibaatooyinka loo geysto haweenka Soomaaliyeed oo dhan, waxaana qorsheynayanaa inay kasoo baxaan qodobbo ay ka mid yihiin in loo helo sharci lagu ciqaabo ruux walba oo dhibaato u geysta qof dumar ah,” ayay tiri Madaxa xafiiska Jinsiga AMISOM, Mane Axmed oo hadlaysay howla ay qabteen iyo kuwa ay qaban doonaan.

Mane Axmed waxay sheegtay inay qabteen kulammo la isugu keenay guud ahaan haweenka Soomaalida kasoo looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa dhibta haweenka loo geysto, iyadoo sidoo sheegtay in wacyi-gelinno arrintan ku saabsan loo qabtay ragga Soomaaliyeed.

“Howlaha noo dhiman waxaa ka mid ah inaan haweenka Soomaaliyeed barno sidii ay isaga difaaci lahaayeen kuwa doonaya inay dhibaatooyinka uu kufsi ka mid yahay u geystaan, runtiina howsheenna waa ku sameynsan sidii haweenka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen ammaan iyo xuquuqdii ay ku lahaayeen bulshada dhexdeeda,” ayay hadalkeeda ku dartay.

Dhanka kale, xafiisku wuxuu qabtay doodo ku saabsan sidii haweenku ay ku heli lahaayeen xuquuqaadkooda kuwaasoo ay ka qaybgaleen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, wasiirro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo ay uga hadleen dhinacyada kasoo qaybgalay sidii looga hortegi lahaa kufsiga iyo dhibaatooyinka kale ee haweenka loo geysto.

Sannadihii lasoo dhaafay xafiiska Jinsiga ee AMISOM wuxuu qabtay shirar lagu maamuusayo maalinta haweenka Soomaaliyeed ee sideedda Maarso, taasoo laga xuso sannad walba dunida oo dhan, waxaana shirarkaas kasoo qaybgalayay haween ka socda dalalka Afrika qaarkood.




Sawirrada waa kuwo ka mid ah Shirarkii uu qabtay Xafiiska Gedner-ka AMISOM

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya