4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2013
Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay inuu Qaadacay Shirweynaha Qaranka ee Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho

Isniin, September 02, 2013 (HOL) — Maamul goboleedka Puntland ayaa qaadacay Shir-weynaha Qaran ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadli doono mustaqbalka Soomaaliya, ayna ka qayb galayaan maamullada dalka ka jira qaarkood.


Wasiirrada Warfaafinta iyo Maaliyadda Maamulka Puntland

Shir jaraa’id oo wasiirrada war-faafinta iyo maaliyadda Puntland ay maanta ku qabteen magaalada Gaoowe ee xarunta Puntland, ayey ka sheegeen inaysan aqoonsan doonin qodobbada shirkaas kasoo baxa, maadama aysan iyagu ka qayb galayn.

“Madaxda dowladda Soomaaliya ma fahamsana nidaamka federaalka, taas awgeedna waxay isku qaseen arrimo badan. Puntland kama qaybgelin shirka mana aqoonsan doonto qodobbada kasoo baxa,” ayuu yiri Axmed Jaamac oo shirka jaraa’id ka hadlay.

Wasiirka maaliyada Puntland, Faarax Cali Shire ayaa dhankiisa sheegay in Puntland ay xiriirkii kala noqotay dowlada Soomaaliya bishii lasoo dhaafay shanteeda, sidaasi darteedna shirka Muqdisho ka furmay aan Puntland lagu casuumin, cidina aysan uga qayb geli doonin.

Puntland ayaa 25-tii bishii lasoo dhaafay ee August sheegtay in dowladda Soomaaliya waddo shir hal dhinac ah, kaasoo lagu wiiqayo awoodda dowladaha federaalka ah ee dalka ka jira, isla markaasina loogu yeeray aayo ka talinta mustaqbalka Soomaaliya.

Qaadacaaddan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sheegay maamulo ka hor inay dowladdiisu waddo qorshe ay wadahadallo kula bilaabayso Puntland, kaddib markii ay xiriirka u jartay horraantii bishii lasoo dhaafay.

Shir-weynaha ka furmay Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay maamullada ka jira dalka qaarkood, iyadoo mas’uuliyiinta dowladda ee ka hadlay ay xuseen inuu yahay mid looga hadlayo dib u heshiisiinta iyo mustabalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya