4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2013
Abaabullo loogu jiro sameynta Maamul goboleedka Koonfurta Somalia oo ka socda Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay


Isniin, September 02, 2013 (HOL) — Kaddib dibad-baxii loogu soo horjeeday heshiiskii dowladda iyo maamulka Jubba ee ka dhacay degmada Baydhabo ayaa  magaalada waxaa ka billowday abaabul aad u weyn oo loogu jiro sidii lagu dhisi lahaa maamul gobaleedka Koonfurta Soomaaliya.

Koox aqoonyahanno ah oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya iyo qaar ka tirsan xildhibaanada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshaha lagu doonayo in lagu dhiso maamul-goboleedkan.

Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo ka ambabaxay Muqdisho ayaa shalay gaaray Baydhabo, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo aan tegin degmadaas intii uu dalku burburka ka jiray.

Maalintii shalay degmada Baydhabo waxaa yimid wafdi Qaramada Midoobey ka socday, kuwasoo la kulmay maamulka gobalka Baay, balse ma jirto wax war ah oo saxaafadda laga siiyay wixii kasoo baxay kulankaas, iyadoo intii ay wafdigaas ku sugnaayeen degmada la xiray waddooyinka waaweyn.

Golaha malaaqyada gobalka Bay ayaa iyagu ku dhawaaqay inay kalsoonida kala laabteen dowladda uu madaxweynaha u yahay Xasan Sheekh; taasoo keentay in magaalada laga dareemo abaabul maamul u sameynta dhowrka gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ku yaalla, waxaana ka mid ah Gedo, Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool.

Hiiraan Online, Baydhabo