4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 2 , 2013
Maamulka Puntland oo taageeray hishiiskii dowladda Somalia iyo Maamulka Jubba ay ku gaareen Magaalada Addis Ababa.

Isniin, Sebtember 2, 2013 (HOL) —Maamulka Puntland ayaa soo dhoweeyey heshiiskii ay Arbacdii lasoo dhaafay magaalada Addisa Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka kumeel gaarka ah ee Jubba.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland - kaas oo nuqul kamid ahi uu soo gaarey shabakadda HOL xafiiskeeda Boosaaso-  ayaa lagu sheegay in Puntland ay si weyn u taageersan tahay go'aamadii lagu gaarey shirkii Addis Ababa.

"...Dowladda Puntland waxay soo dhoweynaysaa heshiiskii ay magaalada Addis Ababa ku wada saxiixeen Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Maamulka Jubaland, heshiis kaasoo qeexaya nidaamka maamulka iyo dowladnimada oo waafaqsan Dastuurkii Federaalka Soomaaliya oo lagu wada heshiiyay..." war-saxaafadeedka ayaa sidaas lagu yiri.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale ammaanay ergada labada dhinac shirkaas uga qayb gashay iyo weliba dhinacyada kale ee fududeeyey oo ay ugu horreeyaan ururka IGAD, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey.

Dhanka kale shalay waxaa magaalada Nairobi ku kulmay wefdi ka socda Puntland oo uu horkacayo Madaxweyne Faroole - oo maalmihii lasoo dhaafay dalka Kenya ku sugnaa-  iyo ergadii maamulka Jubba uga qayb galay shirkii Addis Ababa oo iyagana uu horkacayey Axmed Madoobe.

Labada dhinac ayaa sida war-saxaafadeedka lagu sheegay ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen: xoojinta xiriirka labada dhinac iyo taageerista heshiiska Addis Ababa. Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay gacan ka geysaneyso sidii loo dhisi lahaa hay'adaha dowliga ah ee maamulkaas.

Mowqifka Puntland ee ku aaddan heshiiskii ay wada gaareen dowladda dhexe ee federaalka iyo maamulka kumeel gaarka ah ee Jubba, wuxuu imaanayaa dhowr beri kaddib markii madaxweynaha Puntland waraysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Reuters uu ku sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid aan sax ahayn.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland