Jaamacadda Gobolka Minnesota (University of Minnesota) oo xulatay lix arday oo Soomaali ah si ay u siiso Waxbarashada qaybta Caafimaadka (SAWIRRO)


Khamiis, September 19, 2013 (HOL) — Jaamacadda University of Minnesota Qaybta Caafimaadka ee magaaladda Minneapolis oo ugaarsi ugu jirta ardayda tayada leh ee gobolkan ayaa xulatay 6 arday oo Soomaali ah oo wax ka barta Schoolka Minnesota International Middle School kaasoo ay u badan yihiin arday Soomaaliyeed , Ardaydan oo kaalimaha hore ka galay imtixaanadkii sannadkan ee dugsiyada dhexe ee gobolkan.

Iyagoo natiijooyin sare ka keenay maadooyinka Sayniska iyo Xisaabta ayaa nasiib u yeeshay inay ku biiraan liiska 20-ka arday ee ugu wanaagsanaa gobolka sannadkan, kuwaasoo jaamacaddu u diyaarineyso waxbarashada caafimaadka marka ay dhameeyaan dugsida sare, iyadoo intaas ka horna siin doonta tababaro joogta ah oo ay ku qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee Jaamacadda.

Maamulaha Iskuulka ee Minnesota International Middle School C/rashiid Cali Warsame ayaa Hiiraan Online u sheegay inuu ku farxay xulashada ardaydan, isla markaana uu ku faanayo dadaalka ay sameeyeen.

“Waa guul weyn oo u soo hoyotay Iskuulka, Ardayda, macallimiinta, waalidiinta iyo guud ahaan qoomiyadda Soomaaliyeed ee gobolkan, waayo haddii gobolka oo dhan jaamacaddu ay xulatay 20 oo lix ka mid ah ay yihiin Soomaali, isla markaana ay iskuulkeena dhigtaan waa farxad iyo mustaqbal wanagsan oo iftiimaya” ayuu yiri Cabadirashiid Warsame.

“Madaadama ay ardaydan ku wanaagsan yihiiin Sayniska iyo Xisaabta, waxay baran doonaan caafimaadka, iyadoo dhinaca kale laga caawin doono aqoonta technology-ga” ayuu sii daba dhigay Cabdirashiid Maxamed Xuseen oo ka mid ah waalidiinta ardaydan ayaa isagoo aad u faraxsan wuxuu yiri.

“Guushan waxaa soo hooyaday macallimiinta iyo maamulka Iskuulka Minnesota International Middle School , waana ku faraxanahay inaan aragno carruuteena oo darajo wanaagsan oo ay imitixaanaadka ka gaareen kaddib loo xushay waxbrasho jaamacadeed oo aysan weli gaarin” Minnesota International Middle school ayaa ka mid ah iskuulada Charterada ah oo ay Maamulaan Dad Soomaaliyeed. . Magacyadda ardayda:- 1. Hadeel Hussein 2. Saido Noor 3. Hakimo Feyesso 4. Sawda Abdi 5. Abdirahman Abdullaahi 6. Abdikhaliq Omar.

Farah Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minniapolis, Minnesota

Sawirrada: Siyad Said Salah

More News