4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia & Madaxweynaha Yemen oo wadahadal ku yeeshay Magaalada Sanca ee Dalka Yemen

Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Yemen, Cabdi-rabbo Haddi Mansuur ayaa magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen maanta kula kulmay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminayo

Kulanka ayay labada mas’uul uga hadleen colaadihii iyo dhibaatooyinkii ka jiray Soomaaliya 22-kii sano ee lasoo dhaafay, kuwaasoo ay sheegeen inay burburiyeen kaabayaashii bulshada iyo dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna ka sheegeen kulankooda in loo baahan yahay sidii Soomaaliya dib u dhis loogu sameyn lahaa iyo sidii Soomaalidu uga faa’iideysan lahayd taageerada ay u fidinayso beesha calaamku.

Madaxweynaha Yemen ayaa ku boorriyay Soomaalida inay ka faa’iideystaan fursadaha lagu doonayo in lagu caawiyo, isagoo xusay in Yemen ay garab taagan tahay mar walba Soomaaliya, ayna kala shaqeynayso soo celinta amniga oo uu sheegay in dalkiisa Yemen ay dan weyni ugu jirto.

“Yemen waxay sameyn doontaa wax walba oo ay awooddo si dib loogu soo celiyo ammaanka iyo deggenaanshaha Soomaaliya,” ayuu yiri Haddi Mansuur oo kulanka ka hadlay.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo isna kulanka ka hadlay ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo madaxdoodu ay shacabka iyo xukuumadda Yemen uga mahadcelinayaan kaalmada ay la garab taagan yihiin.

“Tan iyo markii ay Somalia cagaha la gashay dhibaatooyinka, dalka Yemen marna ma joojin kaalmooyinka bani’aadamnimo iyo midda niyadda ah oo Soomaaliya ay la garab taagnaayeen, waxanna uga mahadcelinaynaa malaayiinta qof ee qoxootiga Soomaaliyeed ah ee dalkeeda ku nool sida ay u soo dhaweeyeen,” ayuu C/kariin Guuleed ka sheegay shirkan.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay maanta horumar la taaban karo ku tallaabsatay, ayna wadaan qorshayaal ay ammaanka ku adkeynayaan si dalku uu u noqdo mid ka mid ah dalalka caalamka ee nabad-galyadu ay ka jirto.

Dalka Yemen ayaa waxaa ku sugan qoxooti Soomaaliyeed oo fara badan kuwaasoo  qaarkood ka shaqeysta dalkaas halka kuwo kalena ay wax ka bartaan, iyadoo wafdiga wasiirka arrimaha guduhu ay booqdeen xeryaha ay ku jiraan qoxootiga Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya