4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2013
Madaxweynaha Somalia oo Maanta Magaalada Roma kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga (SAWIRRO)


Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud  iyo wafdiga ballaaran ee la socda ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga ra’iisul wasaaraha dalkaas, Enrico Letta.

Ra’iisul wasaaraha Talyaanig ayaa kulanka kahor wuxuu shir ay irriduhu u xiran yihiin la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo markii dambena si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay ciidamada dalka Talyaaniga, iyadoo ay u tumeen ciidamada bambeydu muusikada astaanta labada calan ee Somalia iyo Talyaaniga.

Kulanka labada mas’uul dhexmaray ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda dowladda Somalia, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaan-dhigga, C/xakiin Maxamuud X. Faqi, wasiirka maaliyada, Maxamuud Xasan Suleymaan, wasiiru-dowlaha madaxtooyada Faarax C/qaadir, safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga Muuse Xasan iyo xubno kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Enrico Letta ayaa kulankoodan kaga hadlay doorka Talyaaniga ee arrimaha Soomaaliya  iyo sidii xiriirka ee labada dal loo sii adkeyn lahaa.

Shir jaraa’id oo labada mas’uul ay qabteen kulankooda kaddib, ayaa wuxuu ra’iisul wasaaraha Talyaanigu sheegay inay farxad weyn oo taariikhi ah u tahay inuu dalkiisa ku casuumo madaxweynaha Soomaaliya, isagoo xusay inay kawada hadleen qodobbo dhowr ah, sheegeyna inay dowladdiisu door muuqda ka qaadan doonto dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa isaguna sheegay inuu ku faraxsan yahay sida qiimaha badan leh ee uu ra’iisul wasaaraha Talyaaniga uu taageerada ugu muujiyay shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Talyaaniga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah oo aad u fog, isagoo intaas ku daray in taageerada dowladda Talyaanigu ay siiso Soomaaliya uu ka duwan yahay taageerada dowladaha kale ay siiyaan Soomaaliya.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo shalay gaaray dalka Talyaaniga waxay la kulmeen guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas, isagoo sidoo kalena booqday jaamacadda Roma halkaaso uu ka jeediyay khudbad qiimo badan lahayd.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Isniintii lasoo dhaafay uga qaybgalay magaalada Brussels ee dalka Belgium shir looga hadlayay higsiga cusub ee Soomaaliya, kaasoo lacago badan loogu deeqay dib u dhiska Soomaaliya saddexda sano ee soo socda.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya