4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2013
Nabaddoonnada Digil iyo Mirifle oo ku adkeysay inay sameynayaan Maamul Goboleed, kaddib kulan ay la yeesheen Jawaari


Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Nabadoonnada Digil iyo Mirifle oo maanta kulan kula yeeshay Baydhabo guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaraya 55 xubnood ayaa wuxuu ku dhamaaday fashil, kaddib markii nabaddoonnadu ay ku adkeysteen inay sameysanayaan maamul goboleed ay ku mideysan yihiin lix gobol.

Kulanka oo looga hadlay sidii go’aan mideysan looga gaari lahaa xallinta khilaafyada u dhexeeya dowladda iyo nabaddoonnada Digil iyo Mirifle ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaybaha bulshada gobollada maamullada sameysanaya, dood dheer kaddib ayaa waxaa kulanka kasoo baxay fikarado kala duwan.

Nabadoonnada ayaa waxay ku adkeysteen in lix gobal loo sameeyo maamul dowladeed sida ugu dhaqsa badan loo magacaabayo madaxweyne gobolladani ay leeyihiin, iyadoo xildhibaannadii kulanka ka qaybgalay qaarkood ay soo dhoweeyeen fikirka nabaddoonnada halka qaar kalena ay kasoo horjeesteen in maamulkan loo sameeyo saddex gobol oo keliya.

Khilaafka arrintan ku saabsan ee soo dhexgalay xildhibaannada ayaa wuxuu sababay inay gacanta iskula tagaan xildhibaanad Fowsiyo Maxamed Sheekh iyo xildhibaanad Sareedo, iyadoo ay soo kala dhexgaleen ciidamada AMISOM oo ilaalo ka hayay, waxaana labadan xildhibaan ee haweenka dibadda looga saaray shirka.

Waxaa kaloo xildhibaannada qaarkood ay soo jeediyeen in marka hore la dhiso maamul gobal iyo mid degmo taasoo ay sheegeen inay noqon karto aasaas laga billaabo maamul goboleed la sameeyo.

Ugu dambeyn, ayaa waxaa lagu ballamay in maalinta berri ah shir kale la isugu yimaado si qodobbada la isku hayo ee maamul sameynta gobolladan la isugu raaco.

Hiiraan Online, Baydhabo