4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Xabsiga u Taxaabay Sheekh Maxamed Macallin oo ka tirsan Mas'uuliyiinta Xisbul Islaam

Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Ciidamada amniga Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay maanta xabsiga dhigeen Sheekh Maxamed Macallin Cali oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Xisbul Islaam oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Inkastoo dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadlin xarigga Sheekh Maxamed Macallin, ayaa haddana waxaa saxaafadda u xaqiijiyay Sheekh Ismaaciil Xaaji Caddoow oo ah xoghayaha golaha shuurada ee Xisbul Islaam, isagoo xusay inay aad uga xun yihiin xariga mas’uulkan.

“Goor-dhow ayaa waxaa nasoo gaartay in Sheekh Maxamed Macallin la xiray waana arrin aan aad uga xunnahay, tanina xiriir lama lahan go’aankii shaqada looga joojiyay,” ayuu yiri Sheekh Ismaaciil Xaaji Caddoow oo VOA-da wareysi siinayay.

Sheekh Maxamed Macallin ayaa wuxuu dhawaanahan ku sugnaa Muqdisho isagoo wareysiyo dhowr ah oo warbaahinta uu siiyay ku cambaareeyay dowladda Soomaaliya, xarigga Sheekh Xasan Daahirna ku tilmaamay mid sharci-darro ah.

Lama oga illaa iyo hadda sababta keentay in la xiro Sheekh Maxamed Macallin, wuxuuna qayb ka noqonayaa xubnaha ka tirsan Xisbul Islaam ee u xiran dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa horay ugu xirnaa Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ahaa hoggaamiyihii Xisbul Islaam, balse markii ururkaan uu dhowr sano ka hor ku biiray Al-shabaab ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab.

Sheekh Xasan Daahir ayaa kasoo goostay degmada Baraawe xilli habeen ah kaddib markii taageerayaashiisa iyo kuwa hoggaamiyaha Al-shabaab uu dagaal khasaare dhaliyay ku dhexmaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wixii warar ah ee ku saabsan xarigga Sheekh Maxamed Macallin Cali waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya