4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2013
Madaxweynaha Somaliland iyo Madasha wadatashiga Somaliland oo hadalo kulul oo eedeyn ah isku mariyay Warbaahinta

Arbaco, September 18, 2013 (HOL) —Madasha wadatashiga iyo toosinta Somaliland ayaa si weyn u naqdiyey safarka uu madaxweynuhu ku marayo gobolada Bariga, kuwaasoo ku eedeeyey in aanay jirin mashaariic horumarineed oo ka hirgalay goboladda uu madaxweynuhu marayo.

Golahan oo uu hore madaxweynuhu ugu eedeeyey inay yihiin koox sharciga dalka u yaalla jabisay, ayaa dadweynaha ugu baaqay inay ka hor yimaadaan kooxdaasi, isla markaaana muujiyaan in hadalada ka soo baxayaa siyaasiyiintaasi yihiin kuwo Qaranimadda wax u dhimaya.

Siyaasiyiintan la magacbaxday madasha Wadatashiga ayaa hore loo odhan jiray golaha wadatashiga, haseyeshee markii xukuumaddu si weyn uga hortimid ayey magacii golaha ku bedeleen Madasha, laakiin madaxweynaha ayaa sheegay in aan loo dulqaadin Karin ficilada ay ku kacayaan siyaasiyiintan aan xisbiyada jira midna ku jirin.

Madaxweynaha oo ku sugan magaaladda Burco ayaa isagoo la hadlay qaybaha kala duwan ee shacabka gobolka Togdheer u sheegay in madasha Wadatashigu yihiin kuwo qayral sharci ah, kuwaas oo aan ku jirin saddexda xisbi ee dastuurku tilmaamay, waxaanu xusay inuu talaabo ka qaadi doonaan siyaasiyiintaas, isla markaana ay arrintaasi ku taageeraan shacabku.

“Kuwo mucaaridka (xisbiyadda) waxba u sheegan mayno, laakiin  kuwa sharci darrada ku shaqaynaya ee Goleyaasha aan sharciga ahayn ee dalka xumaanta la doonaya.kuwaas waanu u sheegaynaa oo wixii sharci darro ah ka yeeli mayno, kana socon mayso.”ayuu yidhi madaxweynaha oo u hanjabaya golahan wadatashiga, waxaanu intaas raaciyey “Waxaanu jecel nahay in shacbiga iyo ummaduna nagu taageeraan. Waxaanu jecel nahay inay Ha’yadaha sharci darrada ku shaqaynaya inay mawqifkooda si cad ugu sheegaan ayaanu jecel nahay.”

“Ragaasi aan sheegayo qaar baa waxay yidhaahdeen Madaxweynuhu muxuu Burco ka doonay oo uu u fadhiyi waayay Hargeysa.waxaan leeyahay Burco miyaanay dalka ka mid ahayn oo aanay dadka aan madaxweynaha u ahay aanay ka mid ahayn”ayuu madaxweynuhu si cadho leh u yidhi, isagoo raaciyey “Waxaanu jecel nahay inaanay shacbigu ka aamusin ee wixii sharci darro ku dhaqmaya ay mawqifkooda cadeeyaan ayaanu jecel nahay,”ayuu raaciyey madaxweynuhu.

Dhinaca kale,  Gudoomiyaha madashan wadatashiga  Xasan Guure Jaamac oo u jawaabaya madaxweynaha, ayaa sheegay in aanay samaynayn wax dastuurka ka hor imanaya, balse ay toosinaayaan xukuumadda, maadaama wakhtigii mucaaradka uu madaxeynuhu ahaa ay isku xisbi ahaayeen, laakiinse hadda ay samaysteen madal ay ku saxaan xukuumadda.

“Socdaalkii uu madaxweynuhu ugu baxay gobolada dalka waxa la hadal hayey eray aan idhi kaas oo ahaa inay ka wada maqan yihiin xaruntii dalka, maamulkii madaxtooyada iyo dawladu waxay  leedahay baratakool ah madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, waana inay cidi joogta xarunta dawlada, wadan waliba waxa uu leeyahay xarun awooda iyo magaca dawladnimadana meel ayaa loo sameeyey oo waxaynu nidhaahnaa madaxtooyada, markaa mar walba in cidi joogta madaxtooyada oo la hela meel mar  walba warka laga soo gaadhsiiyo mana aha in lays waydiiyo meesha uu madaxweynuhu joogo, waxba la  yaabi maayo oo waxba u macnayn maayo waayo malaa dadka aanu la hadlayno ayaaban miyir qabin, ilaa iyo Ramadaan waxaanu isku haysanay eray Gole la yidhaahdaa waa sharci iyo sharci maaha”ayuu yidhi gudoomiyaha madasha wadashiga Xasan Guure.

“Madaxweyne waxaad kaligaa leedahay oo aanu kugu dhaliilayno ma jirto, waxaynu ka wada hadlaynaa wixii umadani kuu dhiibatay, waxaynu ka wada hadlaynaa wixii aanu dadka u sheegnay markaanu shalay Kulmiye ahayn ee aanu lahayn haddii aad doorataan madaxweynaha waxaas ayuu qabanayaa, waana kuwan dhalinyaradii aanu lahayn Udub way tagaysaa ha tahriibin, inta uu aniga ii jawaabayo madaxweynuhu waxa looga fadhiyaa inuu ka jawaabo balankii uu dadka u qaaday, dadkana balan ayeynu u qaadnay balankiina waa laynaga sugayaa oo suuqa ayaa nalagu waydiiyaa” ayuu yidhi Guure.

“Sidii aynu shalayto u wada hadlaynay noola hadal oo yaanan bahalo kula noqonin saaxiibadii shalay ayaanu nahay, waxaynu saaxiib ku ahayn maaha inaad meesha fuusho balse inaad umada wax u qabato ayey ahayd inaad dhalinyarada wax u qabato ayey ahayd ee aniga hay jawaabin ee ummada u jawaab”ayuu raaciyey hadalkiisa

Sidoo kale, gudoomiyuhu waxa uu taageeray xildhibaano is hor istaagay xeerka wadooyinka oo loo samaynayo cashuur u gaar ah oo laga qaadayo xoolaha la dhoofinayo iyo gaadiidka, kaas oo xildhibaanda golaha wakiiladu ku kala qaybsameen.

“Waxaan hambalyeynayaa golaha wakiilada oo aad moodo inay yara diireen, waxaana loo igmaday in wixii ay dawladu qabanayso ay yidhaahdaan waxaas ayaad qabanaysaa marka ay qabatana la waydiiyo sida ay u qabatay, mana aha inay dawlada baryaan balse waa inay dawladu baridaa, waxaan taageersanahay inay xildhibaanada golaha wakiiladu yidhaahdaan guddi ha loo saaro waxyaabaha dalka ka taagan, shirkadahan guuray sababta ay u guureen, dadkii shalay qurbaha joogay ee shalay Kulmiye u dedaalayey wixii ku dhacay” ayuu ku soo xidhay.

Si kastaba ha ahaatee, madashan wadatashiga ayaa ku dooday in xukuumaddu ay hoteeladda amar siiyey in aanay hoteeladooda u ogolaan inay  shirar ku qabsadaan, haseyeeshee maanta waxay shirkan ku qabsadeen hotel Xaraf oo isagu aan u dhago nug laan amarkaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland