4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2013
Dowladda Uganda oo shaacisay inay Ciidammo dheeraad ah u dirayso dalka Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidamadeeda

Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa sheegtay inay ciidammo dheeraad ah ku soo biirin doonto cidamada kaga sugan Soomaaliya si ay u xoojiyaan kuwii horay uga joogay ee qaybta ka ah howgalka AMISOM oo hoostaga Midowga Afrika.

Ciidamada ay Uganda kusoo biirinayso kuwii horay uga joogay Soomaaliya ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay 2900 oo askari, waxaana hoggaaminaya sakraal lagu magacaabo Dick Olom oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dalka Uganda.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo ciidamadan kula hadlayay xero tababar loogu soo gabagabeeyay ayaa u sheegay inay qayb ka noqonayaan howlgalka ay ciidamadooda u joogaan Soomaaliya, loogana baahan yahay inay howshooda si wanaagsan u gutaan.

“Waxaad qayb ka noqonaysaan ciidamadeenna ku sugan Soomaaliya, waxaad matalaysaan shacabka,ciidamada iyo xukuumadda Uganda, waa inaad si aad u wanaagsan uga soo baxdaan howshan la idiin tababaray ee aad ku caawin doontaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya,” ayuu Yoweri Museveni ku yiri ciidanka cusub ee loosoo dirayo Soomaaliya.

Dalka Uganda ayaa waxaa horay uga joogay Soomaaliya kumannaan askari oo qayb ka howlgalka Midowga Afrika, waxaana uu ahaa dalkii ciidamadiisa u soo diray Soomaaliya markii ugu horreysay muddo hadda laga joogo todoba sano.

Ciidamada Uganda ayaa waxay ka howlgalaan Muqdisho iyo gobolka Baay, iyadoo kordhinta ciidamadan ay imaanayso xilli saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda lagu helay inay iibsadeen raashinkii iyo shidaalkii loogu talogalay ciidamada AMISOM inay ku howlgalaan.

Howlgalka AMISOM ayaa wuxuu hoostagaa Midowga Afrika, iyadoo ay UN-ka iyo Midowga Yurub ay ka caawiyaan dhinaca saanadda ciidamada iyo dhaqaalaha ay mushahar ahaanta u qaataan ciidamadan oo dowladda Soomaaliya gacan ka siinaya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab iyo soo celinta nabadda guud ee dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya