3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2013
Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia oo ka Warbixiyay Safarka uu ku joogo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay (SAWIRRO)


Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku sugan Baydhaob ayaa ka warbixiyay safarkii uu ku tagay Baydhabo, isagoo sheegay inuu qayb ka yahay qorshayaal ay dowladdu ku doonayso inay gobollada dalka uga hirgeliso maamullo ay shacabku soo doorteen.

Prof. Jawaari oo xalay ku hoyday Baydhabo ayaa kulan la qaatay waxgarad kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool, isagoo xusay in loo baahan yahay in haddii ay dareemeen wax khaldan ay ahayd inay saxaan.

“Waxaan Baydhabo u nimid sidii aan ugala tashan lahayn waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada sidii loo xallin lahaa khilaaf walba oo jira, sidoo kalena looga tashan lahaa maamul loo dhan yahay oo loo sameeyo gobolka Bay iyo gobollada ku dhow,” ayuu hadalkiisa ku daray Prof. Jawaari.

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa ayaan la ogeyn inta casho ee ay ku sugnaan doonaan Baydhabo, iyadoo socdaalkooda uu kusoo beegmayo xilli uu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya dowladda Soomaaliay iyo weliba waxgaradka gobolka Baay.

“Waxaan doonaynaa in wax walba ay nabad ku dhammaadaan, gogoshii lagu dhameyn lahaa wax walba oo khilaaf ah oo jirana halkan ayay taallaa innaguna diyaar ayaan u nahay inaan idinla hadalno,” ayuu mar kale yiri Prof. Jawaari.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa ka socday maalmihii lasoo dhaafay shir la doonayo in maamul ka madax-bannaan dowladda loogu sameeyo lix gobol oo ku yaalla Koonfurta iyo galbeedka Soomaaliya, laakiin lama oga isbedelka uu socdaalka wefdigani ku keeni doono shirkaas.

Malaaqyada, waxgaradka iyo aqoonyahannada gobollada Bay iyo Bakool ayaa waxay u sheegeen inay xiriirka u jareen dowladda Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay heshiis la gashay Sheekh Axmed Madoobe.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/18/2013 1:14 PM EST
Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Xildhibaanadda golaha Wakiiladda oo maalmihii u dambeeyey ka doodayey xeerka horumarinta wadooyinka oo xukuumaddu dalbadtay in cashuur kordhin looogu sameeyo xoolaha dhoofaya iyo Gaadiidka, ayaa mudanayaashu si weyn ugu kala aragti duwan yihiin kuwaas oo maanta gaadhay heer ay isku feedh feedhaan.

9/18/2013 1:00 PM EST
Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Yemen, Cabdi-rabbo Haddi Mansuur ayaa magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen maanta kula kulmay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminayo

9/18/2013 11:49 AM EST
Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga ballaaran ee la socda ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga ra’iisul wasaaraha dalkaas, Enrico Letta.

9/18/2013 10:59 AM EST
Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Xarakada Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, Sheekh Maxamed Abuu-cabdalla ayaa maanta sheegay in howlgallo ay sameeyeen ciidamada amniga ee gobolkaas ay kusoo qabteen lacago faalsa ah iyo ganacasadihii soo geliyay gobolka.

9/18/2013 10:35 AM EST
Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Nabaddoonnada Digil iyo Mirifle oo maanta kulan kula yeeshay Baydhabo guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaraya 55 xubnood ayaa wuxuu ku dhamaaday fashil, kaddib markii nabaddoonnadu ay ku adkeysteen inay sameysanayaan maamul goboleed ay ku mideysan yihiin lix gobol.

9/18/2013 10:05 AM EST
Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay Talaadada maanta ah inay kaalin weyn ku lahayd heshiiskii ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba oo khilaaf xooggan uu u dhexeeyay.

9/18/2013 9:43 AM EST
Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Ciidamada amniga Dowladda Somalia ayaa la sheegay inay maanta xabsiga dhigeen Sheekh Maxamed Macallin Cali oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Xisbul Islaam oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

9/18/2013 9:33 AM EST
Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Xoghayaha golaha shuurada ee ururkii Xisbul Islaam, Sheekh Ismaaciil Xaaji Caddow ayaa sheegay maanta inaysan jirin wadaladallo ay kula jiraan dowladda Soomaaliya, isagoo kasoo horjeestay war uu warbaahinta siiyay Sheekh Maxamed Macallin oo ahaa in shir uu Muqdisho uga socdo dowladda Soomaaliya iyo Xisbul Islaam.

9/18/2013 9:06 AM EST
Arbaco, September 18, 2013 (HOL) —Madasha wadatashiga iyo toosinta Qaranka Somaliland, ayaa si weyn u naqdiyey safarka uu madaxweynuhu ku marayo gobolada Bariga, kuwaas oo ku eedeeyey in aanay jirin mashaariic horumarineed oo ka hirgalay goboladda uu madaxweynuhu marayo.

9/18/2013 8:30 AM EST
Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu maamuusayay 58 arday oo dhameysatay waxbarshada Jaamacadda Nugaal ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacadaas ee magaalada Laascaanood, iyadoo waxyaabihii looga hadlay munasabadda ay ka mid ahaayeen dhibaatooyinka tahriibta iyo kor u qaadidda aqoonta bulshada.

9/18/2013 7:57 AM EST
Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo maanta kulan la qaatay waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee ku nool Baydhabo ayaa wuxuu sheegay inay kaga hadleen arrimo badan ayna isku afgarteen intooda badan.

9/18/2013 7:29 AM EST
Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa shirkii dowladda Soomaaliya loogu qabtay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium ku tilmaamay mid horumar weyn u horseedaya Soomaaliya, isagoo xusay in beesha calaamku ay muujisay sida ay u garabtaagan tahay Soomaalida.

9/18/2013 7:10 AM EST
Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa sheegtay inay ciidammo dheeraad ah ku soo biirin doonto cidamada kaga sugan Somalia si ay u xoojiyaan kuwii horay uga joogay ee qaybta ka ah howgalka AMISOM oo hoostaga Midowga Afrika.

9/18/2013 7:07 AM EST
Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Afhayeenka cidiamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in saameyn aysan ku yeelan doonin howlahooda ay u joogaan Soomaaliya shaqo-fariisin lagu sameeyay saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM.

9/18/2013 7:06 AM EST
Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Xafiiska xog-uruurinta iyo cilmi-baarista rugta ganacsiga Soomaaliya ayaa waxay xalay kagu qabtay xafiiskooda Muqdisho kulan hordhac u ah kulamo si joogto ah loogu qaban doono xarunta rugta ganacsiga.