4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2013
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Dilka Cumar Xamaami wuxuu qayb ka yahay burburka ku socda Xarakada Al-shabaab”

Talaado, September 17, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dilka Cumar Shariiq Xamaami oo looga yaqaan Soomaaliya Abuu Mansuur Al-Amriiki kana mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ka barbar dagaalama oo toddobaadkii hore lagu dilay gobolka Gedo ayaa sheegay in dilkiisu uu qayb ka yahay burburka ku socda Al-shabaab.

Xasan Sheekh oo wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeya Al-shabaab uu tusaale u yahay dhammaadkooda iyo burburkooda, isagoo xusay inay horay u maqleen dhowr sarkaal oo la dilay, hadda kaddibna la arki doono kuwo kale oo la dilay.

“Markii guul-darro timaaddo fara isku fiiq-fiiq badan ayaa la arkaa, markiise ay guulo jiraan waa la faraxsan yahay. Al-shabaab guul-darro weyn ayaa ku dhacday, dagaalkaas dhexdooda ahna burburkooda ayuu qayb ka yahay,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay shirkii Brusells ee dhaqaalaha  loogu yaboohay, isagoo sheegay in shirkan uu kusoo dhammaaday si guul ah, beesha calaamkuna ay muujisay sida ay raalliga uga tahay inay garab siiso Soomaaliya.

“Dhaqaalaha lagu yaboohay shirkan waxaa maamuli doona guddi gaar ah oo loo saaray, waxaana inta badan dhaqaalahani uu ku baxayaa waxyaabaha muhiimka u ah Soomaalida, maadaama ay iyagu soo diyaariyeen habkii loo caawin lahaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in sannad walba la bixin doono dhaqaalaha loo qoondeeyay in lagu fuliyo howsha dib u dhiska ah, wuxuuna sheegay in tani ay tusaale cad u tahay in Soomaaliya ay ka baxday xilligii dhibaatada ayna u baxday xilligii horumarka iyo dhismaha.

Shirkii Brussels ayaa loogu deeqay Soomaaliya lacag gaaraysa 1.8 bilyan oo EURO taasoo u dhiganta 2.4 bilyan oo doolarka Mareykanka ah, waxaana uu dhaqaalahani noqonayaa kii ugu badnaa ee beesha caalamku ay mar qura ugu deeqdo Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya