4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2013
Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia iyo Wafdi ballaaran oo uu Horkacayo oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo

Talaado, September 17, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cimsaan (Jawaari) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasoo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen waxgaradka ku shiraya degmadaas iyo xubno ka tisran mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxay wafdigiisa gaarayeen in ka badan 50-xildhibaan iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada, iyadoo wafdigani ay noqonayaan tiradii ugu badnaynd dowladda oo socdaal ku taga Baydhabo tan iyo markii dowladda Soomaaliya la dhisay muddo hal sano laga joogo.

Inkastoo wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka aanay ka warbixin sababta ay Baydhabo u tageen, balse waxgarad ka tirsan kuwa gobolka ayaa u sheegay warbaahinta in wafdigan inta ay ku sugan yihiin Baydhabo uu ka qaybgeli doono kulammo wada-tashi ah oo degmadaas ka dhacaya.

Tegitaanka wafdigan ee Baydhabo ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ay shalay ugu baaqeen waxgaradka iyo malaaqyada gobollada Bay iyo Bakool in xidhibaannada kasoo jeeda gobolladan ay laba maalmood gudahood Baydhabo ku yimaadaan.

Baydhabo ayaa waxaa ammaankeeda adkeeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana laga dareemayaa degmadaas isbedel weyn oo dhinaca ammaanka ah.

Shirka ka socda magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in lagu dhiso maamul ay ku mideysan yihiin gobollo lix ah oo ku yaalla Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan Bay, Bakool iyo Gedo.

Dhanka kale, tegitaanka wafdigan ee Baydhabo ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli waxgaradka iyo cuqaasha Bay iyo Bakool ay sheegeen inay xiriirka u jareen dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya