4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2013
Xidhibaano ka tirsan baarlamaanka oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku wajahan

Talaado, September 17, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, halkaas oo uu ka socdo shir-weyne lagu doonayo in lagu dhiso maamul ay ku mideysan yihiin lix gobol oo ku yaalla Koonfurta iyo galbeedka Soomaaliya.

Mudanayaashan ayaa waxaa la sheegay inay yihiin kuwo kasoo jeeda Digil iyo Mirifle, kuwaasoo socdaalkoodu uu salka ku hayo yeeritaan ay u yeereen nabadoonnada gobollada Bay iyo Bakool.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in isla maanta uu magaalada Baydhabo gaaro guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka mid ah xildhibaannada kasoo jeeda gobolka Bay.

Maalmahan ayaa waxaa Baydhabo ka dhacayay dibadbax looga soo horjeedo shirkii Brussels iyo heshiiskii ay dowladda Soomaaliya la gashay maamulka Jubba, kuwaasoo keenay in kalsoonida lagala laabto dowladda Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa la wareegay sugidda ammaanka Baydhabo; waxaa la filayaa inuu maanta Baydhabo gaaro guddoomiyaha baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya, Prof. Jawaari.

Nabadoonnada Digil iyo Mirifle ayaa xildhibaannada kasoo jeeda goballada Koonfureed ee Soomaaliya u qabtay muddo labo maalmood sidaas awgeed ayaa imaashaha xildhibaannada iyo guddoomiyaha baarlamaanka la sheegay inay arrintaas salka ku hayso.

Hiiraan Online, Baydhabo