3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2013
Dawlada Uganda oo shaqo ka fariisin ku samaysay saraakiil ka tirsanaa ciidankooda ku sugan Soomaaliya
ciidamada-amisom.jpg

Talaado, September 17, 2013 (HOL) - Ugu yaraan 20 kamid ah ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa shaqadii laga fariisayay, sidaas waxaa u sheegay BBC-da afhayeen u hadlay ciidamada dalka Uganda.

Ciidamadan shaqada laga fariisiyay ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen musuqmaasuq ay kamid tahay gadashada raashin iyo shidaal loogu talagalay ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, kuwaaso qayb ka ah hawlgalka AMISOM.

Dadka la eedeeyay waxaa kamid ah madaxa ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya
Michael Ondoga oo baaritaanno ay ku socdaan iyadoo dhammaanba saraakiisha la eedeeyay looga yeeray Uganda si baaritaano loogu sameeyo.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaan-dhigga ee dalka Uganda oo u warramay wakaaladda wararka faransiiska ee AFP, ayaa ku tilmaamay ciidamada la eedeeyay in loo haysto fal dhaawacaya sharafka ciidamada Uganda.

Waxaana la sheegay in tallaabadan ay dawlada Uganda qaaday kadib markii ay isa soo tareen dacwadaha ka imaanaya ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya kuwaasoo saraakiishooda sare ku eedeeyay inay cunaan wax walba oo saad ah oo loogu talagalay ciidamada.

Ragga la eedeeyay ayaa la sheegay in la soo taagayo maxkamad ciidan; hadii dambiga lagu helana waxay mutaysan doonaan in si toos ah looga eryo ciidamada qalabka sida inay kasii mid ahaadaan.

Wargeyska kasoo baxay dalka Uganda ee Daily Monitor ayaa qoray in xatooyada saraakiishani sameeyeen ay ciidamada ku kalliftay in hal wakhti oo kaliya ay maalinkii wax cunaan.

Madaxweynaha dalka Uganda ayaa baajiyay jago sare oo uu doonayay inuu u magacaabo
madaxa ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya Michael Ondoga oo la rabay in xil sare looga magacaabo safaaradda ay Uganda ku leedahay wadanka Kenya.

Musuqmaasuqa hareeyay ciidamada Uganda oo ah kuwa ugu tirada badan ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, ayaa walaac ku abuuraya wadamada bixiya kharashaadkooda, iyadoo lacagta ugu badan ay bixiyaan wadammada xubnaha ka ah ururka Midowga Yurub.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya












Click here
9/17/2013 2:25 PM EST
Talaado, September 17, 2013 (HOL) — War murtiyeedka kasoo baxay shirkii higsiga cusub ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulankan uu kusoo aaday xilli aad muhiim u ah oo Soomaaliya ay cagta saartay jidkii dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska, kaddib 2e-sano oo ay shacabka Soomaaliyeed ku dhex-jireen colaado kala duwan.

9/17/2013 9:46 AM EST
Talaado, September 17, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dilka Cumar Shariiq Xamaami oo looga yaqaan Soomaaliya Abuu-Al-Amriiki kana mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ka barbar bar-bar dagaalama oo toddobaadkii hore lagu dilay gobolka Gedo ayaa sheegay uu qayb ka yahay burburka ku socda Al-shabaab.

9/17/2013 9:33 AM EST
Talaado, September 17, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cimsaan (Jawaari) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen waxgaradka ku shiraya degmadaas iyo xubno ka tisran mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada.

9/17/2013 7:47 AM EST
Talaado, September 17, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa siweyn u soo dhaweeyay shirkii hiigsiga cusub ee xalay ku soo dhamaaday magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka oo uu soo qaban-qaabiyay midowgga Yurub.

9/17/2013 7:33 AM EST
Talaado, September 17, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, halkaas oo uu ka socdo shirweyne lagu doonayo in lagu dhiso maamul ay ku mideysan yihiin lix gobol oo ku yaalla Koonfurta iyo galbeedka Soomaaliya.

9/17/2013 7:31 AM EST
Talaado, September 17, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si weyn u soo dhaweeyay shirka taariikhiga ahaa ee higsiga cusub ee Soomaaliya (New Deal) oo shalay lagu soo gaba-gabeeyey magaalda Brussels ee dalka Beljamka.

9/17/2013 5:37 AM EST
C/wali Cali Gaas oo ahaa Ra'iisul wasaarihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ay yeelato intii ay ku jirtay marxaladii KMG ahayd ayaa soo gaaray magaalada Nairobi xilli uu ku jiro ole-olihiise ku aadan doorashada madaxtinnimada ee ka dhici doonta Puntland.

9/17/2013 2:43 AM EST
Talaado, September 17, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan saakay magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga, halkaasoo ay ka socoto qabanqaabada soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha Soomaaliya.

9/17/2013 2:25 AM EST
Talaado, September 17, 2013 (HOL) — Shir looga hadlayay arrimaha gar-gaarka bini’aanimada ee Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaana shirkas soo qaban-qaabiyay hey’adda caafimaadka ee International Medical Coops, waxaana fududeynayay xildhibaan Keith Ellison oo laga soo doorto magaaladda Minneapolis.