4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2013
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Gaas oo soo gaaray magaalada Nairobi
abdiweli-mohamed-ali-2011-9-24-14-21-35.jpg

Talaado, September 17, 2013 (HOL) - C/wali Maxamed Cali Gaas oo ahaa Ra'iisul wasaarihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ay yeelato intii ay ku jirtay marxaladdii KMG ahayd ayaa soo gaaray magaalada Nairobi xilli uu ku jiro ololihiisa ku aaddan doorashada madaxtinimada ee ka dhici doonta Puntland.

Waxaana C/wali uu horay u shaaciyay inuu isu soo taagayo qabashada xilka madaxtinnimada Puntland oo la filayo in doorashadu ay dhacdo bisha January ee sannadka 2014-ka.

Masuulkan ayaa waxaa ayraboorka magaalada Nairobi ku soo dhoweeyay
xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee Kenya oo ay ku jireen ganacsato iyo weliba siyaasiyiin.

Waxaa C/wali inta uu ku sugan yahay Nairobi uu kulammo la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaalida ee kasoo jeeda Puntland, ganacsatada iyo beesha caalamka oo uu doonayo inuu hordhigo qorshihiisa ku aaddan qaabka la filayo inuu u maamulo Puntland hadii uu ku guulaysto doorashada dhici doonta bisha January.

C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaanahan ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaasoo uu kaga dhawaaqay musharraxnimadiisa uuna ka waday ololihiisa doorashada.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya