4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo lagu wado inay Maanta gaaraan Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga

Talaado, September 17, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan saakay magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga, halkaasoo ay ka socoto qaban-qaabada soo dhoweynta wafdiga madaxweynaha Soomaaliya.

Safarkan ayaa wuxuu qayb ka yahay socdaallo uu madaxweynuhu ku mari doono dalal kala duwan oo caalamka ah, waxaana lagu wadaa in inta wafdigani ay ku sugan yihiin dalka Talyaaniga ay la kulmaan madaxda dalkaas iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale lagu wadaa inay barqonimada maanta gaaraan magaalada Roma, iyadoo Soomaali badan ay ku sugan yihiin magaladaas si ay madaxweynaha iyo wafdigiisa ugu soo dhaweeyaan.

Wafdiga madaxweynaha Somalia ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo ay kaga qaybgalayeen shirkii dhaqaalaha loogu ururinayay Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in booqashada talyaaniga kaddib uu booqdo magaalada Ohio Columbus ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu kula kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya