4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2013
Bannaanbax looga horjeedo shirka Brussels iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta ka dhacay Baydhabo (SAWIRRO)


Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Bannaanbax looga soo horjeedo shirkii Brussels ee dhaqaalaha loogu ururinayay Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Dibadbaxan ayaa waxaa si wadarji ah u soo abaabulay mas’uuuliyiinta heer gobol iyo mid degmo ee gobolka Bay, Odeyaasha dhaqanka iyo bulshada Rayidka ah; iyadoo ay hadallo ka jeediyeen malaaqyo, aqoonyahanno, qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka, culamaa’uddiin iyo Haweenka  xubnahaas.

Xubnihii dibadbaxa ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa: malaaq Maxamuud Cabdi, malaaq Malabow Isaaq Cabdi, malaaq Amiin Barwaani iyo Malaaq Shariif Cali, iyagoo ku nuux-nuuxsaday inay kasoo horjeedaan shirkii lagu qabtay maanta magaalada Brussels.

Aqoonyahano iyo siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen: Fowsi C/nuur Maxamed, Maxamed Sheekh Woosh iyo Cabdullaahi Maxamed Idris (Leeste), Sheekh Arrimiye oo ka socday Ahlusunna waljameeca iyo xubno kale ayaa iyaguna ka hadlay dibadbaxa iyagoo sheegay in go’aankooda uu yahay inay shirka ka socda Baydhabo ku sameeyaan maamul aan hoostagayn dowladda Somalia.

Bannaan-baxan ayaa xubnihii ka hadlay dhamaantood waxay cambaareyn dusha uga tuureen madaxda dowlada federaalka Somalia, waxayna si gaar ah carrabka ugu dhufteen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo sheegay inuu qiyaano kula kacay iyaguna ay kalsoonida kala laabteen.

“Annagu ma nihin dowlad-diid, balse waxaanu nahay dulmi-diid madxweyne  Xasan wuxuu nagu sameeyay dulmi, dhul aanau lahayn ayuu siiyay Axmed Madoobe, kaasoo ka mid ahaa saraakiishii Xisbul Islaam uuna ku biiray Al-shabaab iyagoo ugu dambeyn ku kala tagay hunguri. Madaxweynuhu ma siin karo dhulkeenna Axmad Madoobe, sidaa darteed beesha caalamka waxaan u sheegaynaa inaysan dhaqaale noogu dhiibin madaxweyne Xasan Sheekh,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen waxgaradka gobolka Bay.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha loo doorto xilka maamulka cusub ee Koonfur-galbeed uu matali doono gobollada lixda ah ee maamulka sameynaya, beesha caalamkuna ay dhaqaalihii naloogu talogalay.

Gabagebadii bannaanbaxa ayaa waxaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka gobolka Bay, ahna ku simaha guddoomiyaha gobolka, Ibraahim Macallin Nuurow (Shiinno), isagoo baaq u diray dhammaan beelaha dega gobollada Bay, Bakool, Gedo, Shabeellaha Hoose, Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose inay kasoo qaybgalaan klanka ka socda Baydhabo ee maamulka lixda gobol lagu sameynayo.

“Annagu ma nihin dhul boob iyo wax aan boobayno intaba, waxaan ogsoon nahay inay jiraan dad deegaan-wadaag nala ah oo Soomaali dhamaanteed ah kuwaas ayaana ugu yeeraynaa gogosha taalla Baydhabo,” ayuu Shiine Macallin ku yiri hadalka uu ka jeediyay dibadbaxa.

Dibadbaxii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee Baydhabo ka dhaca tan iyo markii uu mad-madowga soo dhexgalay dowladda Soomaaliya iyo waxgaradka gobolka Bay.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya